Jarmalka oo gantaalada difaaca cirka degdeg ugu diray Ukriane

0
263
Jarmalku ayaa isu diyaarinaya in uu geeyo gantaalada difaaca hawada sare ee tignoolajiyada cusub maalmaha soo socda dalka Ukriane.
In si degdeg ah loo geeyo gantaaladan Dalkaasi, ayaa timid ka dib markii gantaallo xooggan uu Ruushku ku garaacay magaalooyinka waaweyn ee Ukraine oo ay ku jirto Kyiv.
Wasiirka difaaca Jarmalka Christine Lambrecht ayaa maalintii Isniinta ee shalay sheegtay in gantaalada Ruushka ee lagu weeraray xarumaha dadka reer Ukraine ay muujiyeen sida degdega ah ee loogu baahan yahay in la gaadhsiiyo ciidamada Kyiv nidaamka difaaca cirka.
Qalabka difaaca cirka oo muddo hore loo ballanqaaday Ukraine, kuwaas oo awood u leh inay ilaaliyaan magaalo dhan, ayaa markii hore loo qorsheeyay in la keeno dhammaadka sanadka.
Weeraradii dhimashada badnaa ee Isniintii, ayaa soo dedejiyey in nidaamka difaaca ee Ukraine kor loo qaado.
NIdaamka difaaca ee IRIS-T SLM waa nidaamka difaaca hawada oo ku rakiban gawaari, kaas oo garaaci kara diyaaradaha, helikobtarrada, gantaalaha cruises, jet artillery, drones, anti-radar missiles iyo bambooyinka kale.

Leave a Reply