Madaxweyne-xigeenka oo ka qeybgalay Munaasibada Sannadguuradii 111-aad ee maalinta Qaranimada dalka Taiwan

0
237

Md. Saylici oo bulshada ugu baaqay inay Taiwan kaga deydaan u adkaysiga helitaanka aqoonsi caalami ah

“Somaliland way ka soo horjeedaa wax kasta oo sharafta iyo Qarannimada Taiwan ku xadgudbaya.” Md. Cabdiraxmaan Saylici

Qore: Maxamuud Walaaleeye

Hargeysa-(Dawan):- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ummada Somaliland ugu baaqay inay dalka Taiwan kaga deydaan adkeysiga mudadda dheer ee weli ay sugayaan in caalamku aqoonsado, dalkooda iyo dadkoodana dhisaan.

Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo xubno Golaha Wasiirada, diblomaasiyiin, iyo martisharaf badan ka soo qeybgaleen oo lagu qabtay Hargeysa ayuu Mudane Saylici oo hadal ka jeediyey sheegay inuu shacabka iyo xukuumada Taiwan ku hambalyeynayo sannad-guuradii 111aad ee maalinta Qaranimada dalka Taiwan.

Wuxuu sheegay in Somaliland iyo Taiwan xidhiidh qiimo leh uu dhexmaray, isla markaana ay wadaagaan arrimo ay ka mid yihiin hannaanka dimoqraadiga, xasiloonida iyo dhowrista xuquuqal-insaanka, wadajirna u xoojin doonaa.

Waxaanu intaa ku daray  Madaxwene  ku xigeenka qaranku in xukuumadu bogaadinayso taageerada dhinacyada kala duwan ee Taiwan u fidiso Somaliland, waxaanu yidhi,

“Somaliland way ka soo horjeedaa wax kasta oo sharafta iyo Qaranimada Taiwan ku xadgudbaya.”

Waxuu sheegay inay ku ammaanayaan dalka Taiwan adkaysiga mudadda dheer ee 111 sannadood ay raadinayeen inay Qaramada caalamka ka mid noqdaan,

“Somaliland waa inay kaga dayataa dalka Taiwan adkaysigooda oo kale mudadda dheer ee ay weli raadinayaan in caalamku aqoonsado”.

Waxaynu u baahan nahay inaan dalkeena iyo dadkeena dhisno oo kaga dayano saaxiibka wanaagsan ee aynu yeelanay Taiwan.”

Dhinaca kale Amb. Allen LOU  oo hadal ka jeediyey munaasibada ayaa sheegay in Taiwaan iyo Somaliland u dhasheen xor, kuna noolaan doonaan xornimo.

Dimuqraadiyadu waa inay ilaaliyo qiyamka xorriyadda

 

Leave a Reply