Horyaalka Caasimadda Todobbaadkii 16aad: Kooxda Gaashaan oo Markii Labaad Garaacday D.H.H

0
270

Horyaalka Caasimadda oo maraya todobaadkii 16aad ayaa waxa shalay ciyaar aad u adagi ay garoonka Hargeysa ku dhexmartay labada kooxood ee awoodda badan ee kala Gaashaan iyo D.H.H, ciyaartaasoo ahayd mid aad loo wada sugayay.

Labada kooxood ayaa ku bilawday kubad ay ka muuqato khibrad labada naadiba ay muujiyeen, waxaana dhinaca weerarka ku badnayd bilawgii qaybtii hore ee ciyaarta kooxda Gaashaan oo kubaddo badan ku sigay inay dhaliyeen.

Goolkii koowaad oo uu saxeexay ciyaartoyga Jayna oo kubad qurux badan ka dhaliyay kooxda D.H.H, kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-0 daqiiqadii 22aad ee qaybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda kubadda cagta ee Gaashaan ayaa ciyaaraysay khibrad aad u cajiib ah oo ay ku bilaabatay qaybtii hore ee ciyaarta, kaasoo ahaa inay kubadda kazoo bilawdo difaaca, dhexda, ka dibna loo tuuro afka hore ee weerarka, taasoo markasta halis gelinaysay difaaca kooxda D.H.H.

Daqiiqadii 39aad ee qaybtii hore ee ciyaarta waxay kooxda Gaashaan keentay goolkii labaad, kaasoo uu u saxeexay laacibka Ganto oo afka hore uga ciyaara Gaashaan, waxaanay ciyaarta natiijadeedii ay noqotay 2-0 ay Gaashaan hogaanka kusii dheeraysatay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay kooxda Gaashaan hogaanka kaga haysay kooxda D.H.H, kuwaasoo ay kala dhaliyeen laacibiinta afka hore ee Ciidanka Qaranka Cabdiqani Jayna iyo Ganto.

Isku soo laabashadii qaybtii dambe ee ciyaarta oo ay labada kooxoodba ku hubaysnaayeen talooyinkii labada macallin ee Diridhaba iyo Cabdifataax Shan Bidhiidho, waxay ku bilaabantay ciyaartu dardar ay kooxda D.H.H oo garoonka soo gelisay xidigo afka hore iyo dhexda ka ciyaara, kuwaasoo laga dareemayay kubaddooda bilawgii ciyaartaba.

Daqiiqadii 52aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta ayay kooxda D.H.H dhalisay gool uu si qurux badan madaxa ugu dhaliyay ciyaartoyga Iid Dj, kaasoo uu u soo dhigay Mahad Nayl oo meel fog kazoo laaday, waxaanay ciyaartu noqotay 2-1 ay goolkeedii koowaad ku keentay kooxda D.H.H.

Daqiiqadii 78aad ayay markale heleen kooxda Gaashaan gool-laad, kaasoo ku yimi qalad difaaca kooxda D.H.H ka galeen weeraryahanka Gaashaan, waxaana gool ku laadkaas saxeexay laacibkii goolka labaad dhaliyay ee Ganto, waxaanay ciyaartu noqotay 3-1 ay ugu awood sheegatay kooxda Gaashaan dhiggeeda dawladda hoose ee Hargeysa,.

Isla daqiiqadii 81aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta ayay fursad aad u muhiim ah heleen laacibiinta kooxda dawladda hoose ee caasimadda, waxaana gool qurux badan oo xamaasaddiisa wata u saxeexay laacib soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta, kaasoo lagu magacaabo Mahad Nayl, Daqiiqadii 83aad ayay isla kooxda Gaashaan heshay gool kale, kaasoo uu saddexley kaga dhigtay laacibka Ganto,

Ciyaarta ayaa daqiiqadihii u dambeeyay sii adkaatay waxaana daqiiqadii 88aad goolkii 5aad saxeexay laacibka Caydaruus ee kooxda Gaashaan, waxaanay ciyaartu ku idlaatay 5-2 ay kooxda Gaashaan dhibcaha markii labaad kaga qaadatay kooxda D.H.H.

Leave a Reply