Goolasha uu Haaland u Baahan Yahay Sanadkii, Si uu Rikoodhka Goolasha Ronaldo u Jabiyo

0
253

 

 

Cristiano Ronaldo waxa uu ku jiraa sanadihii ugu dambeeyay ee waayihiisa ciyaareed balse rekoodhada uu kubadda cagta kasoo samaystay mudada dheer ee uu bandhigayada cajiibka ah soo joogteeyay ayay adkaan doontaa in la gaadho.

Mid kamida dhaliyayaasha ugu macquulsan ee goolasha badan laga filayo sanadaha soo socda ayaa ah weeraryahanka cusub ee Manchester City ee Erling Haaland kaas oo mashiin goolasha ah soo ahaa sanadihii ugu dambeeyay.

Haddaba. su’aasha ayaa ah haddiiba Haaland uu jabinayo rekoodhka goolasha ee Cristiano imisa gool ayuu u baahan doonaa xilli ciyaareedkii?

Ugu horreynba waa in 22 sano jirkaasi ugu yaraan ilaa 37 sano jirkiisa ciyaaro kubadda cagta isagoo ilaa 2037-ka ay tahay inuu xilli ciyaareedkiiba 37 gool dhaliyo oo uu ku jiro xilli ciyaareedkani.

Cristiano ayaa xilli ciyaareedkan inta badan keyd ka ahaa Manchester United balse guul ku hoggaamiyay kooxdiisa kulankii Axadii ee Everton ay martiyeen.

Ronaldo ayaan u baahnayn sabab uu koox boos joogto ah kaga heli isaga oo haysta 700 oo sababood maadaama oo uu 700 oo gool oo heer kooxeed ah soo dhaliyay marka xataa laga reebo 117 gool ee uu xulka Portugal kusoo qortay.

Laga yaabaa inuusan samayn cadaadiska uu doonayo Ten Hag balse haddii uu jiro ciyaaryahan goolka hortiisa lagu aamini karaa waa Ronaldo.

Leave a Reply