Ciidanka Booliiska oo soo Qabtay Haweenay ku Eedaysan inay Jidh-dil u Geysatay inan-yar

0
219

Hargeysa (Dawan):-Ciidanka Booliiska   Somaliland ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Haweenay ku eedaysan inay Jidh-dil   u gaysatay inan yar.

War kooban oo ay baahiyeen ciidanka booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay in hawlgalka haweenayda lagu soo qabtay ay sameeyeen ciidanka booliska ee   saldhiga New Hargeysa.

Boolisku waxay sheegeen inay ka war heleen haweenaydaas jidh dilka u gaysatay inan yar oo gurigeeda kula noolayd, taas oo ay muujinayaan muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada.

Ciidanka booliska Somaliland waxay xuseen in gabadhaasi ay ka soo qabteen xaafada Daami oo ka tirsan degmada Gacan-libaax ee caasimada Hargeysa,

Ugu danbayn ciidanka booliska Somaliland, waxay sheegeen inay bilaabeen baadhitaano la xidhiidha ogaanshaha arrinta ku saabsan haweenaydaas ku eedaysan inay jidh dil u geysatay ilmahaas yar, iyadoo marka baadhitaanka kiiskaasi dhammaanadana ay sheegeen inay u gudbin doonaan maxkamadda awoodda u leh, waxaanay guud ahaan bulshada Somaliland uga digeen inay ku kacaan dhibaatooyinka noocaasa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 

Leave a Reply