Murannada Siyaasadda iyo Saamaynta taban ee ay ku Yeesheen Nolosha iyo Horumarka Dadka iyo Dalka Somaliland: Qaybta: 3-aad:

0
246

Qaybtii 2-aad ee maqaalkan (03.10.2022) waxaynu tilmaanay saamaynta ay Murannada Siyaasaddu ku yeesheen nolosha bulshada Somaliland, gaar ahaan xagga Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Horumarka dalka. Arrimaha ka dhashayna waxa ka mid ahaa:

 

1) Kalsooni darro bulsho oo ah xagga koboca dhaqaalaha iyo horumarka,

2) Hoos-u-dhaca Maalgashiga Dalka,

3) Hoos-u-dhaca suuqa dhismaha iyo iibka hantida dhulka,

 

Qaybtan 3-aad ee maqaalkan waxaynu ku falanqayn doonaa saamaynta ay Murannada Siyaasaddu ku yeesheen DAWLADNIMADA, HAYBADDA QARANKA IYO DANAHA DALKA. Arrimaha ka dhashayna waxa ka mid ah:

 

1) MURANKA KA DHEX TAAGAN GOLEYAASHA SHARCI DEJINTA QARANKA:

 

Waxa muuqata in Murannada Siyaasadda ee soo noq-noqday ay saameeyeen heer kasta oo ka mid ah nolosha bulshada Somaliland: xagga dhaqaalaha, maalgashiga, wadajirka iyo is-aaminka bulshada, dawladnimada iyo sumcadda dalka.

Arrimaha ugu culus ee ay Murannada Siyaasaddu sababeen (taasoo run ahaantii aan u wanaagsanayn haybadda Qaranka JSL) waxa ka mid ah tafaraaruqa iyo is-haysiga ka dhex taagan Goleyaashii Sharci Dejinta Qaranka. Murannada ka dhex taagan Goleyaasha Sharci Dejintu waxay hakad geliyeen habsami-u-socodka shaqooyinkii Dastuuriga ahaa ee ay Goleyaashu u hayeen ummadda Somaliland. Goleyaasha Sharci Dejintu waa kuwa ay ummadda Somaliland u wakiisheen in ay dejiyaan xeerarka lagu dhaqayo bulshada JSL, dhinaca kalena ay Waaxda Fulinta (Xukuumadda) KU ilaaliyaan ku dhaqanka iyo fulinta xeerarka dalka isla markaana ay KA ilaaliyaan ku xad-gudubka iyo jabinta xeerarka dalka.

 

Is-haysiga ka dhex taagan Goleyaasha Sharci Dejintu wuxuu nusqaan ku yahay haybadda Qaranka, waana arrin gudbin karta farriin khaldan taasoo ah in Somaliland ay tahay dal aan ku dhaqmin xeerarkii uu dhigtay. Sidoo kale, arrintani waxay abuuri kartaa kalsooni darro ay bulshadu ku kalsoonaan waayaan muhimadda iyo nuxurka ay huwan yihiin xeerarka iyo shuruucda dalka JSL.

 

2) MUUQAAL KHALDAN OO AH XAGGA HAYBADDA IYO DANAHA QARANKA:

 

Muranada Siyaasadda ee soo noq-noqday waxay muuqaal khaldan ka bixiyeen sumcadii uu lahaa dalka Somaliland iyo dhaxalka qiimaha leh ee ay ummadda JSL iskood u qabsadeen, taasoo ay soo dhisayeen muddo ka badan 31 sano. Gaar ahaan, waxa su’aal la gelin karaa arrimaha xagga amniga iyo xasiloonida, qaan-gaadhnimada siyaasadda iyo hannaanka Dimuqraadiyadda dalka, iyadoo la ogyahay in Jam. Somaliland ay ka mid tahay dalalka ugu xasiloonida iyo dimuqraadiyada badan Qaaradda Afrika.

 

Dhinaca kale, waxa iyana xusid mudan in Murannada Siyaasadda ee soo noq-noqday ay shaki iyo walaac ku abuuri karaan xidhiidhadii iyo danihii ay Somaliland ku lahayd dunida ee ay  soo dhisaysay muddada dheer iyo saaxiibadii dal ahaan inoo han weynaa ee ay Somaliland ku lahayd Beesha Caalamka. Arrimahan oo dhammina waa kuwo aan u adeegayn danaha iyo maslaxadaha uu Qaranka JSL ku leeyahay dunida.

 

3) WAXA QARSOOMAY ARRIMAHA DHAXAL-GALKA AH EE QARAN AHAAN INOO QABSOOMAY:

 

Waxa jira arrimo badan oo aan cidina gaar u lahayn oo ummadda Somaliland oo dhan ka dhexeeya, muxaafid, mucaarid iyo dhex-dhexaadba. Arrimahaasi waxa ka mid hawlaha dhaxal-galka ah ee Qaran ahaan inoo qabsoomay iyo horumarka uu Qaranka JSL ku tallaabsaday gudaha iyo dibebadaba, cidii doontaaba ha qabatee.

 

Sidaa darteed, muranka iyo yoo-yootanka ka dhex taagan hormuudkii, haldoorkii iyo indhihii ummadda Somaliland (Muxaafid iyo Mucaaridba), waxa la odhan karaa waxay qariyeen ama ay dabooleen arrimaha muhiimka ah ee aynu ummad ahaan 31-kii sano ee ugu dambeeyey iskeen u qabsanay; sida nabadda, xasiloonida, horumarka baaxadda leh, dhismaha Qaranka Qaranka, Dawladnimada, koboca dhaqaalaha, hannaanka Dimuqraadiyadda, iwm.

 

Sidoo kale, muranka iyo yoo-yootanka ka dhex taagan hormuudkii iyo haldoorkii Qaranka wuxuu jaah-wareer iyo niyad jab ku riday guud ahaannba bulshada JSL, gaar ahaana da’yarta Somaliland ee iyagu ku garaadsaday hannaanka dimuqraadiyada, kuwaasoo madaxdooda kor u eegaya isla markaana ay u yihiin tusaale iyo hiraal quman.

_______

La soco Qaybtan 4-aad ee maqaalkan waxaynu ku falanqayn doonaa saamaynta ay Murannada Siyaasaddu ku yeesheen IS-AAMINKA IYO IS-DHEXGALKA BULSHADA IYO KU ADKAANSHAHA Qadiyadda Qarannimada JSL;

 

 

 

 

 

Leave a Reply