Mushaharka Ciyaartoyda Real iyo Barca oo Lasoo Bandhigay ka Hor Kulanka El Clasico

0
401

Real Madrid waa kooxda kubadda cagta ee ugu qanisan dunida, sidoo kalena waxay ka mid tahay kooxaha mushaharooyinka ugu badan siiya ciyaartoydooda. Barcelona oo ay Axadda iskaga hor imanayaan kulankooda koowaad ee El Clasico ee xilli ciyaareedkan ayaa iyaduna soo martay waqtiyo adag oo dhaqaale, hase yeeshee waxay haddana soo jiidatay ciyaartooyo badan oo waaweyn oo xagaagii yimi Camp Nou, waxaanay sidoo kale la yimaaddeen fikrado ay dib ugu soo nooleeyeen dhaqaalahooda.

Jaangoynta La Liga ee mushaharooyinka labada kooxood

Horyaalka LaLiga waxa uu dhamaan kooxaha kusoo rogaa ama u jeexaa khad aanay ka gudbi karayn sannad kasta, kaas oo ah mushaharka ugu badan ee ay kooxdu bixin karayso iyadoo lagu sallaynayo dhakhliga soo gala, kharashaadka iyo deymaha lagu leeyahay ee ay tahay inay bixiyaan. Kooxaha yaryar ayaa ku dhibatooda arrintan, halka kooxaha waaweyna ay helaan fursad ay ku samayn karaan waxay doonaan.

Mushaharka ciyaartoyda Real Madrid ee xilli ciyaaareedkan 2022/23

Ciyaartoyga ugu mushaharka badan Real Madrid waa Eden Hazard oo ay ku xigaan David Alaba, Toni Kroos, Luka Modric, Karim Benzema iyo Thibaut Courtois. Xiddigaha kooxda ka tegay ee Gareth Bale, Casemiro iyo Isco ayaa ka  qaaday culays badan oo dhaqaale, waxaana meesha ka baxay €40 milyan oo Gini oo sannadkii ay ka qaadan jireen saddexdan ciyaartoy.

Mushaharka ciyaartoydu waa sidan

  • Eden Hazard: €22.9 million
  • David Alaba: € 21.7 million
  • Toni Kroos: €18.5 million
  • Luka Modric: €16.6 million
  • Karim Benzema: €16.6 million
  • Thibaut Courtois: €15.2 million
  • Vinícius Júnior: €11 million
  • Férland Mendy: €9.2 million
  • Eder Militão: €9.2 million
  • Dani Carvajal: €9.2 million
  • Nacho: €7.9 million
  • Rodrygo: €7.9 million
  • Dani Ceballos: €7.7 million
  • Marco Asensio: €7 million
  • Lucas Vázquez: €6.3 million
  • Mariano: €6.3 million

Ciyaartoyda aan liiskan ku jirin, waa kuwa mushaharkoodu u dhexeeyo €1 milayn oo Euro illaa €4 milyan oo Euro.

Mushaharka ciyaartoyda Barcelona ee xilli-ciyaareedkan 2022/23

  • Frenkie de Jong: €29.2 million
  • Sergio Busquets: €22 million
  • Jordi Alba: €20.1 million
  • Robert Lewandowski: €18.8 million
  • Ansu Fati: €13.9 million
  • Ousmane Dembélé: €13.8 million
  • Franck Kessié: €13.5 million
  • Raphinha: €12.5 million
  • Jules Koundé: €12.5 million
  • Gerard Piqué: €10.4 million
  • Andreas Christensen: €10.4 million
  • Memphis Depay: €10.4 million
  • Pedri: €9.4 million
  • Marc-André ter Stegen – €9 million

Waxa jira ciyaartooyo aan liiskan ku jirin oo mushaharkoodu ka hooseeyo €6 milyan oo Gini sannadkii, waxaana ka mid ah Gavi.

Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa waxay tahay mushaharka tababareyaasha labada kooxood  ee Carlo Ancelotti iyo Xavi Hernandez, waxaanay xogtu sheegaysaa in ay isku mid yihiin oo sannadkii uu mid walba qaato mushahar €10 milyan oo Gini ah.

 

Leave a Reply