Jaamacada Hargeysa oo laga bilaabay hawlgal lagu buufinayo kaneecada

0
312

Qaybta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, Jaamacadda Hargeysa iyo hawl wadeeno ka socda wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa hawlgal lagu buufinayo kaneecada ka fuliyay qaybaha kala duwan ee Jaamacaddaas.

War kooban oo ay baahisay Jaamacada Hargeysa ayaa lagu sheegay in hawlgalkan ujeedadiisu tahay sidii loo buufinlahaa kaneecadda, taas oo la cadeeyay inay qayb ka qaadato faafitaanka xumada muddooyinkii u danbeeyay dalka ku jirtay, taas oo soo ridatay dad badan.

Waxa kale oo ay jaamacada Hargeysa sheegtay in galinka danbe ee waxbarashadii jaamacadaasi fasax tahay maanta, hawlgalkaas caafimaad awgi.

Jaamacada Hargeysa oo ay wax ka bartaan arday tiro badan, ayaa wasaaradda kooxo caafimaad oo ka socda wasaaradda horumarinta caafimaadka isla markaana uu hoggaaminayo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, waxa ay buufinta Kaneecada ka bilaabeen qaybaha kala duwan ee Jaamacada Hargeysa, iyaga oo sheegay in bulsho ku dhaw toban kun oo qof ay jaamacada iyo xaydaabkeeda degan yihiin.

Tallaabadan ayaa ah mid dhanka ka hortaga xannaanada kaceenadu ay keenayso loo qaaday ah.

Maamulka iyo masuuliyiinta iyo macalimiinta Jaamacada Hargeysa ayaa soo dhaweeyay hawlgalka jaamacada qaybaheeda kala duwan lagaga buufinayo Kaneecada.

Toddobaadyadii ugu danbeeyay waxa cisbitaalada magaalooyinka Somaliland buux dhaafiyay bulsho ay ku dhacday xumad daran, taas oo sababtay in dadka qaarkooda geeri qarka u saran yihiin.

Leave a Reply