Madaxda wasaaradda Caafimaadka oo isugu Yimid Kul lagaga arrinsanayay xaaladaha Deg dega ah

0
278

Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, oo go’aamo ka soo saartay xaalada xumadda dalka ka jirta.

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa lagu qabtay kulan muhiim ah oo lagaga tashanayay xaaladaha deg dega ah.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii bulshaweynta reer Somaliland loogu baraarujinlahaa xumad daran oo inta badan bulshada Somaliland dhulka u riday, taas oo sababtay in qaar ka mida bulshadu sanka iyo afka dhiig ka keenaan.

Geesta kale wasaaraddu waxay ka hawl-gashay sidii gudiyadan xarunta dhexe ka samaysan ee gargaarka degdega ah, si la mid ah gobollada dalka looga sameeyo.

Haddaba markii kulankaasi soo dhammaaday waxa laga soo saaray qodobo muhiim ah isla markaana xal u noqon kara xumada daran ee dalka ka jirta.

 

Waxaanay u dhigneyd sidan.“In qofkii isku arka xanuunkan xumadda ah, isla markaana  xaaladiisa  ka yaaba aanu iska qaadan daawooyin aan dhakhtar u qorin ee uu lasoo xidhiidho xarun Caafimaad halka ugu dhaw, talada iyo daawooyinka uu dhakhtarku siiyana uu qaato.

In guud ahaan bulshadu ka taxadarto wax kasta oo dhalin kara kaneecadda ama ay ku gaban karto, sida goobaha biyo fadhiisinka ah, goobaha dhirtu ku badan tahay iyo wixii la mid ah, si aynu ula dagaalano kaneecada oo ah mida gudbinaysa xanuunkan, si loo xakameeyo xanuunkan waxaa muhiim ah in qofkasta oo muwaadin ah oo dalka ku nool uu ka qayb-qaadato sidii loo xakamayn lahaa, inaga oo daryeelayna deegaankeena, xanuunkani wuxuu ka dilaaca kaneeco, kaneecaduna waxay ka dilaacdaa nadaafad, daradda ka dhacda deegaanka, qofkasta oo ka qayb-qaata nadaafadda deegaankiisa, sida gurigiisa, iskuulkiisa, jaarkiisa, goobtiisa shaqo, wuxuu  qayb-weyn ka yahay sidii aynu xanuunkan u xakamayn lahayn.

Wasaaraddu iyadda oo kaashanaysa dawladaha hoose ee dalka, dawladda dhexe waxay ka hawl-galaysaa baabiinta wax kasta oo sababi kara fiditaanka kaneecada, kaneecadaasi oo si dhib-yar uga dilaacda biyuhu haday 24-saac iyo wax ka badan meel yaalaan, bulshadana waxaan u sheegaynaa in ay qayb-weyn ka qaataan sidii loo dabar,goyn lahaa meeshana looga saari lahaa kaneecaasi.

Guud  ahaan cusbitaalada dalku waxay diyaar u yihiin in ay qaabilaan dadka xumadani ay kusoo dhacdo ee u baahan in Cusbitaalka taageere lagu siiyo, berrina waxaan kulan la qaadan doona cusbitaalada gaarka loo leeyahay si aanu uga wada tashano sidii loo daryeeli lahaa dadka ay soo ridato xumadani.

Wasaaraddu waxay ka hawl-gashay sidii gudiyadan xarunta dhexe ka samaysan ee gargaarka degdega ah (Emergency Team) kuwii la midka ahaa ee goboladda matalayay looga aasaasi lahaa, dhamaan goboladana waxaa la farayaa in ay gudiyadda hawl-geliyaan, si ay ula shaqeeyaan dawladaha hoose iyo dawlada dhexeba, si loo yareeyo faafitaanka xanuunkan xumadda ah.

Shirkan oo ah mid toddobaadkasta bahda wasaaradda caafimaadku ay kaga arrinsato xaalada deg dega ah ayaa ka qabsoomay xafiiska agaasimaha guud   Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli xumadda daran ee dalka ka jirta ay keentay dhimasho iyo bukaano sariiraha buux dhaafiyay.

 

Leave a Reply