Somaliland: laba Eedaysane iyo Gaadhi ay Wateen oo la Xukumay

0
220

Laascaanood (Dawan) Ciidanka millatariga Somaliland ayaa gacanta ku dhigay 844 quraaradood oo Khamri, kaas oo la rabay in laga ganacsado lana soo galiyo dalka.

Khamrigaas ayaa lagu qabtay aaga Saax-dheer, oo ka tirsan gobolka Sool, waxaana khamrigaas soo bandhigay taliska ciidanka Qaranka ee aaga bari, gaar ahaan degaanka  Gooja-cadde oo hoos timaada magaalada Laascaanood.

Maxkamadda gobolka Sool ayaa xukun ku ridday gaadiidkii siday Khamrigaas iyo eedaysanayaashii lagu qabtay, waxaanay maxkamaddu amartay in Khamrigaas la burburiyo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland ayaa u mahadceliyay ciidamadii fuliyay hawlgalkaas, waxaanay ballanqaadeen inay diyaar u yihiin la dagaalanka noocyada kala duwan ee Maandooriyeyaasha, sida Khamriga iyo Xashiishada, kuwaas oo dhibaato ku ah caafimaadka iyo nabadgelyada bulshada.

Masuuliyiin ka tirsan gobolka Sool iyo degmada Laascaanood ayaa u mahadceliyay ciidamada Qaranka Somaliland ee gacanta ku soo dhigay xadigaas Khamriga ah, waxaaney xuseen in qabashada Khamrigaasi ku timid wada shaqaynta maamulka gobolka, ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo bulshada ku nool guud ahaan gobolka Sool.

 

Xeer ilaaliyaha maxkamadda degmada Laascaanood Jaamac Faarax Cabdi ayaa warbaahinta la wadaagay xukunka lagu riday raggii lagu soo qabtay Khamrigan.

Waxaanu yidhi. “Khamrigaas oo tiradiisu dhan tahay 34 kartoon oo ah Darayjiin, kartoonkiibana ay ku jireen 24 Quraaradood, tiradiisa guudna tahay 816 quraaradood, iyo hal kartoon oo Biir ah oo ay ku jiraan 28 litir, isugeyn Khamrigaasi waxa uu dhan yahya 844 litir, soonka laga soo qabtayna waa Saax-dheer, ahna aag jiq ah.

Waxaana Khamrigaasi watay laba eedaysane oo kala ah Sugule Maxamuud Cabdi, ina Faadumo Maxamed oo 28 jir ah iyo eedaysanaha labaad Sheekhaal Siciid Darawal, ina Faadumo Maxamed oo isna 30 jir ah oo fakad ah oo baxsaday, iyaga oo Khamrigan ku siday gaadhi Noah oo cadaan ah  oo wata lanbaka Somaliland, U sagaal kun boqol lixdan iyo laba.

Labada eedaysane midkiiba waxa ay ku xukuntay 4 sano oo xabsi iyo 3 milyan oo ganaax ah midkiiba gaadhigana marka la qiimeeyo waxa lagu ganaaxay 5% marka la qiimeeyo”

 

 

Murannada Siyaasadda iyo

Leave a Reply