Wasaaradda Waxbarashada oo Wadda Qorshe Dib loogu eegayo Manhajka Tacliinta Dalka

0
231

Hargeysa (Dawan):-Guddida waxbarashada Somaliland ee heer Qaran ayaa magaalada Hargeysa ku yeeshay kulan lagu qiimaynayo waxbarashada dalka.

Guddidan oo bishiiba laba jeer kulan yeelata ayaa arrimaha ay kulankooda kaga hadleen waxa ka mid ahaa dib u eegidda manhajka waxbarasho ee Somaliland.

Wasiirka wasaaradda waxbarshada iyo sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa u akhriyay qodobada kulankaas ka soo baxay  warbaahinta.

Waxaanu yidhi.“In dib u eegis lagu sameeyo in manhajka waxbarasho ee goobaha waxbarasho ee dalka u yaalla ay yihiin kuwa soo saaraya muwaadinka loo baahanyahay, wasaaradda waxbarashada in ay soo eegto qodobadaas oo laga soo xigtay diinteena Islaamka, dastuurka, heshiisyada caalamiga ah, xeerka waxbarashada, qorshaha Qaranka ee xagga waxbarashada, qof dal jacayl leh, dulqaad leh, bulshadu ka ammaan hesho, qof wakhtiga ilaaliya oo ballanleh uu yahay, in uu muwaadin yahay, marka in dib loo eego oo la yidhaahdo waxbarashada aynu haysana qofka astaamaha leh ma soosaaraysa, haddii ay soo saarayso haa, haddii aanay soo saarayn maxaa innaga dhiman oo aynu ku darnaa, dib u eegista manaahiijteena.

In himilooyinka horumarinta waxbarashada ee ah fidinta waxbarashada, tayaynta waxbarashada, iyo maamul wanaaga waxbarashada in lagu daro himilo afraad oo ah dib u eegista iyo dejinta manaahiij la jaanqaadaysa mabaadiida guud ee waxbarasahada iyo ujeedooyinka waxbarashada ee Somaliland, horumarinta waxbarashada ee dalka in lagu daro.

In dib u eegis lagu sameeyo hiiraalka waxbarashada ee maanta oo 2011-kii la dhaqangeliyay, siyaasadda waxbarashadana dib loo eego, xeerka waxbarashada dib loo eego,”

Leave a Reply