Taliyaha Booliska oo ilaalinta Nabadgelyada ku Mutaystay Shahaado sharaf

0
336

Hargeysa (Dawan) Ururka naafada Somaliland ayaa shahaado sharaf ku maamusay taliyaha ciidanka booliska Somaliland sarreeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale.

Guddoomiyaha ururka naafada Somaliland Maxamed Xaaji Jaamac Diiriye, ayaa sheegay in sababta ay shahaado sharaftan u siinayaan taliyaha ciidanka booliska ay tahay, sida ay abniga u ilaaliyaan una sugaan, isla markaana ay hadh iyo habeen hegaanka ugu yihiin xasilinta nabadgelyada.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada boolisku ay hurdada u diideen sidii ay ammaanka umadooda u ilaalin lahaayeen.

Waxaanu yidhi.“Shahaado sharaftan waxa uu taliyuhu ku mutaystay ilaalinta iyo sugida abniga, bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddii aanu nahay bulshada laxaadkoodu kala dhiman yahay sugida uu nabadgelyada sugay, ee hurdadoodii u diday sidii ay abniga u sugi lahaayeen, ayaanu shahaado sharaftan u garanay”

 

Leave a Reply