Wasaarada Maaliyadda iyo Baanka Dhexe oo Nidaam cusub Hirgeliyey

0
289

Hargeysa(Dawan):-Wasaarada Maaliyadda iyo Baanka dhexe ayaa la sheegay inay diyaarinayaan hanaan xisaabeed mideysan ee hay’adaha dawladda.

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga-Dhexe ayaa si wada jir ah tabobar 3 cisho ah u furay saraakiil is ku dhaf ah oo ka kala tirsan Maaliyadda iyo Bangiga-Dhexe kuwaas oo si wada jir ah uga wada shaqeeya barnaamij casriyeyn iyo wax-ka-badel lagu samaynayo hanaanka ay hada u taalo qasnada lacagta ee xisaabaha Hay’adda Dawladdu.

Mashruucan oo lagu doonayo in la mideeyo xisaabaha uga furan Hay’addaha Dawladda Bangiga-dhexe, marxaladahii u dambeeyey maraya ayaa ujeedadiisu tahay helitaanka adeegsiga hanaanka midaysan ee xisaabaadka Hay’addaha Dawladda oo magiciisa loo soo gaabiyo TSA {Single Treasury Account}, kaasoo sare u qaadi doonaa wax-ku-oolnimada lacagta Dalka, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Mukhtaar Cabdi Quule, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in dawladahu tahay jidh keliya, loona baahan yahay in hantideedu meel keliya oo xafidan lagu shubo.

“Barnaamijkan Dawladdu ay wado ee qasnad-xisaabeedka midaysan {TSA} waxa uu daba socdaa oo uu qayb ka yahay geedi socodka Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda oo dhawrkii sano ee u danbaeeyey Dawladdu si xawli ah u waday,” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimaha Guud ee Maaliyadda.

Gudoomiyaha Baanka dhexe Eng Cali Cabdilaahi Daahir oo tabaraka furay ayaa sheegay inay dalkeena guul u tahay in laga bilaabo hanaanka dakhliga mideysan.

“Somaliland guul ayey u noqonaysaa hadii sannadka dambe aynu bilowno khasnada mideysan ee dawladda.

 

Leave a Reply