Somaliland: Ceel-shidaalkii u Horreeyay oo la Qodayo iyo Dawladaha iska kaashanaya Soo Saaristiisa

0
252

Hargeysa(Dawan):- Somaliland,ayaa sannadka soo socda laga bilaabaya qodista ceel-shidaalkii ugu horreeyay sida qorshuhu yahay.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Mudane. Cabdilaahi Faarax Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Shidaalka Axmed Aadan Iidan ayaa la sheegay inay Shirkadda OPIC Somaliland oo ah farac ka mid ah shirkadda CPC ee dalka Taiwan kala xaajoodeen qorshaha sannadka dambe ee qoditaanka ceel shidaalkii ugu horreeyey Somaliland

 

Kulanka madaxda shirkada OPIC Taiwan oo ay weheliyaan Safiirka dalka Taiwan u fadhiya Somaliland iyo saraakiil ka tirsan safaaradda oo booqasho ku yimi dalka ayaa kulan la qaatay iyo madaxda Wasaarada Tamarta muddo labada dhinac u socday.

 

Shirkadda OPIC Somaliland ayaa saami 49% ah ku leh heshiiska shirkadda Genel ee xidhmooyinka SL10/13 ee bariga Somaliland. Labada shirkadood ee Genel iyo OPIC Somaliland ayaa ku hawlan qorshihii qoditaanka ceelkii koowaad ee shidaal geyiga Somaliland sannadka soo socda.

 

 

Leave a Reply