Wasaarada Caafimaadka oo soo saartay Talaabooyin lagu Xakamayno Xanuunka Xummada

0
270

Hargeysa(Dawan):-Wasaarada Horumarinta Caafimaadka oo maalmihii u dambeeyay ku jirtay shirar lagu falanqaynayay  xakamaynta Xanuunka Xummada ee dalka ka jira  ayaa soo saartay tallaabooyin lagu xakamayno.

Shir ay shalay isugu yimaadeen  Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Liibaan Yuusuf Gaaxnuug iyo gudida arimaha degdega ah ee  Wasaarada Caafimaadka ayaa waxa lagaga wadahadlay
tallooyinka  Caafimaad iyo Wacyigelino ee ku aadan  xaalada Xummada.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Liibaan Yuusuf Gaaxnuug  ayaa  sheegay in ay ka wadahadleen gudida arimaha degdega ee Wasaarada Caafimaadka sidii layskaga  kaashan lahaa la dagaalanka Kaneecada oo keenta Xanuunka xumada.

Wasiir ku Xigeenka oo Arimhaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Maanta (shalay) waxa aanu  isugu nimi kulamadii arimaha degdeg ah ee gudida arimaha degdega ah ee Wasaarada Caafimaadka ee xanuunka xummada kulankan u jeedadiisu waxa weeye warbixin gudida arimaha degdega la wadaagayso bulshada reer Somaliland madaama oo uu jiro xanuun xumada ah oo dalka saamaysay.sidii aynu u xakamayn la hayn xumadaas iyo sidii loola dagaalami lahaa Kaneecada oo keenta xanuunkan xumada,ee guud ahaan Wasaarada Caafimaadka iyo laamaha kale ee dawlada iyo dadweynaha aynu iskaga kaashan la hayn xumadan,”.

tallaabooyinka ay soo saartay Wasaarada Caafimaadka ee lagu xakamayno Xanuunka Xumada.ayaa u dhignaa sidan.

1:Ha isticmalin dawayinka xanuun biiyaha talo dhakhtar la aan, Waxa kaliya
oo aad isticmaali kartaa Paracetamol.

2:Ha siin bukaan Xumad hayso Dhiig (gaar ahaan unugyada xinjaraha
sameeya, Platelet).

3:Isticmaalka Faleebadu maaha daruuri in la siiyo qofkii awooda inuu afka
wax ka qaato islamarkaana aan lahayn matag.

4:Qofka xumad leh ee isku arka dhiigbax, barar ama xanuun badan oo
caloosha ka qabta waa in deg deg u tago ama lageeyo cisbitaal.

5:Qofka leh xumad waa in loo xidho mara kaneeco si loo xakameeyo faafida
xanuunka.

6:Fadlan kor u qaad fayo dhawrka gurigaaga gaar ahaan goobaha ay ku dhalan
karto kaneecadu sida bulaacadaha, biyo fadhiisinada iyo meelaha dhirtu ka
baxdo.

7:Dadka qaba xanuunada lala noolado sida Wadna xanuun, dhiig kar iyo
macaan ama qaata dawooyin joogtada ah waa in ay muujiyaan taxadar
dheerad ah, Hadii ay xumad dareemana tagaan goob Caafimaad.

8:Dumarka uurka leh, dhalay ama dhiig caadada leh hadii ay xumad yeeshaan
waa in ay tagaan goob caafimad

 

 

Leave a Reply