Xiddiga Premier League ee uu Ancelotti ku Riyoonayo inuu Leylyo oo ay Real u Dhaqaaqday Saxeexiisa

0
182

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa in ay u dhaqaaqayso saxeexa xiddig Premier League ah oo uu dalbaday tababare Carlo Ancelotti oo doonaya in lagu soo xoojiyo safkiisa marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda.

Real Madrid oo difaacanaysa horyaalka La Liga iyo Champions League ayaan illaa hadda laga badin xilli ciyaareedkan dhamaan tartamada, waxaanay saddex dhibcood oo nadiif ah ku hayaan hoggaanka horyaalka, halka ay caawa u baahan yihiin hal dhibic oo kaliya si ay iskaga xaadiriyaan wareegga 16ka Champions League.

Xagaagii tegay waxay Real Madrid la saxeexatay Aurelien Tchouameni oo ay 80 milyan oo Gini kaga soo iibsaday Monaco iyo Antonio Rudiger oo si xor ah ugaga soo wareegay Chelsea, hase yeeshee waxay iyaguna lumiyeen Casemiro oo 70 milyan oo Gini ay ku iibsatay Manchester United. Waxa kale oo Los Blancos si xor ah uga tegay xagaagii Gareth Bale, Isco iyo Marcelo.

Carlo Ancelotti ayaa la sheegay in uu hadda farta ugu fiiqay Florentino Perez xiddiga uu doonayo in loo keeno, waana xiddiga kooxda kubadda cagta Tottenham ee Son Heung-min oo qandaraaskiisa ay ka hadhsan yihiin laba sannadood laakiin la sheegayo in aanu ku qanacsanayn sii joogista Spurs.

30 jirkan oo sannadkii 2015 ay Tottenham £22 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Bayern Leverkusen ayaa 341 ciyaarood oo uu u saftay waxa uu u dhaliyey 136 gool iyo 76 kale oo uu caawiyey, waxaana heshiiskiisu uu soconayaa illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka 2024-25.

Lama sheegin lacagta ay Real Madrid ku doonayso inay ku iibsato, balse waxay isku dayi doonaan in marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda ay wada-hadallo

Leave a Reply