Adoonsiga Xeelaydsan Ee Bulshoyinka Lumay!

0
300

Dalka Hindiya waa dalka aduunka ay ka jiraan dhaqamo iyo caadooyin yaab leh oo qaarkood aan qofku rumaysan Karin. Waa dal lo’ada lagu caabudo isla markaana la cabu kaadideeda iyagoo uu arka caafimaad iyo in xanuunada lagaga bogsanayo sida kansarka iyo xanuuno halis ah.

Hindiya waxa ku nool dad aaminsan dhaqan ay diin ay u haystaab oo la yidhaa Naga Sadhus, dadkaasi ragoodu dhar ma xidhaan, mana maydhaan isla markaana dhamaan timaha ka baxa jidhkooda ma ogola in wax yarna laga jaro. Waxa kale oo raggu ay dhib ku hayaan xubinta taranka ee jidhkooda iyagoo doonaya in aanu dareen yeelan.

Waxa ay aaminsan yihiin in dadka qaarkood ka awood badan yihiin kuwa kale sidaa awgeed waa dhaqan adoonsi  ah, dadkaasi ayaa si weyn loogu sheqeeya loogana barakaysto. Waxaana ay magaalooyinka yimaadaan marka ay xaflado dhiganayaan iyagoo aan dhar xidhnayn. Dumarkoodu waxa  keliya ee ay xidhaan waa maro liimi ah oo ah tan ay Hinduusku xidhaan.  Bulshadan habawsani waxa ay degan yihiin Himilaya, waxaana ay aaminsan yihiin in webi ku yaalla dalkaasi oo lagu magaacbo Gang uu yahay mid biyihiisu barako leeyihiin. Wakhtiyada ay iidaha samaystaan ayay tagaan iyagoo biyihiisa dhex gala.

Bulsho kasta marka ay dariiq toosan ee islaamnimada ka baydho iyaga ayaa is addoonsada oo weliba si arxan daran isu dhiba, iyadoo kooxi noqoto kuwo laga barakaysto, halka kuwa kalena ay noqdaan addoomo wax kasta oo la faro fulinaya.

Leave a Reply