Maamulka Arsenal oo Arteta Siin Doona Lacag uu ku Galo Suuqa January iyo Laba Xidig oo uu Doonayo

0
196

Maamulka Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay Mikel Arteta taageeri doonaan suuqa January iyaga oo siin doona lacag dhan 50 milyan oo euro si uu ugu xoojiyo kooxdiisa.

Gunners ayaa si heer sare ah ku bilaabatay xilli ciyaareedkan, waxaana ay haatan labo dhibcood ka sareeyaan kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City.

Laakiin Arteta ayaa wali dareensan in kooxdiisa ka maqan yihiin dhawr xiddig si ay ugu tartamaan horyaalka waxana uu gali doonaa suuqa January.

Sida laga soo xigtay The Sun, Arteta ayaa doonaya inuu laba xiddig ku soo daro kooxdiisa isla markaas doonayo xiddig khadka dhexe ah iyo xiddig garabka weerarka ka ciyaara.

Sidaas darteed maamulka Gunners ayaa u sheegay tababaraha in ay siin doonaan lacag 50 milyan ah si uu ugula soo saxeexdo labada xiddig ee uu doonayo.

Arsenal ayaa kaliya laga badiyay hal kulan ilaa haatan xilli ciyaareedka tartamada oo dhan iyaga oo ah kooxda ugu fiican Premier League wakhti xaadirkan.

 

Leave a Reply