Faa’iidooyinka Saqada!

0
392

Waxay wejiga nabaro waaweyni ka soo bexeen Sh. Abuu C/laahi  oo qoray Kitaabka Al-mustadrik , isagooo sanado qabay xanuunkan. Muslimiin badan ayaa u ducaysay, laakiin weli ma bogsan. Muddo danbe ayuu gurigiisa hortiisa uga qoday Muslimuunta goob biyaha lagu shubo oo ay ka cabaan. Todobaad intii aanay ka soo wareegiin ayuu wejigii u bogsaday oo uu noqday mid qurux badan.

Caash’ish (RC) Umul mu’miniin , oo sooman ayuu miskiin cunto weydiistay, waxaan u yaalay wax yar oo kimis ah.  Inantii la joogtay ayay ku tidhi sii miskiinka Kimistii inoo taalay. Inantii ayaa ugu jawaabtay  Caa’sha wax kale oo aad ku afurtaa kuuma yaalaan.

Caa’isha (RC) ayaa ku tidhi waa rune iska sii miskiinka. Arinkii oo sidaasi ah aya markii ay casarkii ay ahayd Neef adhi oo hadyad ah naloo keenay.  Markaasi ayay tidhi cun kan ayaa ka wanaagasan waxaan bixinay. Qofka wax bixinaya waa inuu lahaada kalsooni fog oo uu ku qabo Allah (sw).

Leave a Reply