Kaalmo Raashin ah oo la Gaadhsiiyay Deegaano ka tirsan Gobolka sool

0
294

Laascaanood (Dawan) Guddida Heer Qaran ee gurmadka abaaraha oo kaashanaya Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka dabiiciga ah iyo Keydka Raashinka ayaa kaalmo raashin ah oo dhan 500 oo qoys gaadhsiiyey deegaannada Dabo-taag, Saax-dheer, Dharkeyn-geeyo iyo Kala-baydh ee gobolka sool.

 

Kaalmada raashinka ah oo ay ka faa’idaysan doonaan dadka abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaanadaasi waxa qaybintiisa goob-joog u ahaa masuuliyiin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha ee heer qaran iyo hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Keydka Raashinka.

Masuul sare oo ku hadlayay afka  hay’adda NEDFOR, ayaa  sheegay in hay’add ahaan ay wali wadaan qaybinta raashinkii loogu talo-galay gobolka Sool oo dhamaa 4500 oo qoys ,iyadoo ay raashinkan ka faa’idaysan doonaan dadka jilicsan iyo kuwa ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaanadaasi.

 

Masuulkani waxa uu intaas ku daray in ka hay’ad ahaan ay ku dadaalayaan sidii dadka jilicsan ee ay abaaruhu saameeyeen ay u gaadhsiin lahaayeen wixii awooda qaranku tahay.

 

Guddoomiyayaasha deegaanadda Dabo-taag, Saax-dheer, Dharkeyn-geeyo iyo Kala-baydh ee gobolka Sool oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa xukuumadda Somaliland uga mahadceliyey deeqdan raashinka ah ee ay soo gaadhsiisay deegaanadooda , waxa ay sheegeen in daaqdani ay wax weyn u tari doonto dadka abaaraysan iyo kuwa jilicsan ee deegaanadaasi ku nool.

 

 

Leave a Reply