Hay’adda Dhawrista Tayadda oo ka Hadashay Shaanbo Dhibaato Caafimaad u keeni kara Bulshada

0
519

Hargeysa (Dawan) Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa ka hadashay hadal haynta mid ka mid ah Shaanbooyada lagu maydho kaas oo dhibaato caafimaad u keeni kara bulshada.

 

Waxa ay hay’addu bulshada Somaliland ku wargelisay in   alaabta laga helay maadada Bensiin ay ku kooban tahay shaambooyada qalalan  oo kaliya (Dry-Shampoo), kuwaas oo ay xustay in aan laga helin guud ahaanba dalkeena.

War ka soo baxay hay’adda dhawrista tayada Somaliland oo soo gaadhay wargeyska Dawan ayaa u dhigna sidan.

 

“Hay’adda dhawrista tayada Somaliland waxay bulshada u caddaynaysaa xogta suuqa ku jirta ee ah in Shirkadda ‘Dove’ ee soo saarta alaabada kala duwan, taas oo qaar ka mid ah la ogaaday in ay khatar ku keeni karto caafimaadka dadka.

 

Hay’adda Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland Maadaama oo ay Qaranka mas’uul uga tahay Illaalinta bad-qabka badeecadaha kala duwan ee dalka soo galaya iyo kuwa ka baxaya, wixii baadhitaan ah ee ay hay’addu sameyso ee la xidhiidha arrintaasi kadib ayay bulshada la wadaagaysa.

 

Shirkadda la yidhaa Unilever oo soo saarta ku dhawaad 400 oo shay, kuwaas oo ku soo baxa Magacyo (Brand) kala duwan sida, Dove, Nexxus, Suave, Tresemme, Bad Head and Rockaholic, ayaa waxa la ogaaday in shaanbooyada ay soo saaraan in laga helay maaddada  Bensiin (Benzene), taas oo sababi karta  xannuunka Kansarka (Cancer).

 

Haddaba bulshada waxa aanu ku wargelinaynaa in alaabta laga helay maaddada Bensiin ay ku kooban tahay shaambooyada qalalan (Dry-Shampoo), kuwaasi oo aan gabi ahaanba laga helin Dalka Somaliland

Leave a Reply