WEEDHA WARGEYSKA: Somaliland waxay mar kale Xaqiijinaysaa Tallaabo Cashar ugu filan Caalamka

0
283

Dalka waxa todobaadkan ka socday oo laga qabanayaa maanta magaaladii afraad ololaha madax-taabashada kunka qof ee taageerayaasha Ururada siyaasadda ee cusub, kaasoo ay fulinayaan guddida diwaangelinta ururada Siyaasadda iyo ansixinta asxaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo labadii bilood ee u dambeeyey shaqadaasi gacanta ku hayey.

Hawlgalkani waa wajigii labaad ee kala-reebida Ururada cusub, qaybtiisii labaad, waxaanu marayaa magaaladii afraad ee waddanka, iyadoo uu si habsami ah oo hufan u socdo.

Ururada cusub wajigan waa mid aad u muhiim ah oo ay ku kala hadhayaan, waxaana urur walba laga rabaa inuu goob-fagaare ah soo taago Kun qof oo kamida Taageerayaashiisa, sidoo kale waxa jira kormeer Guddida diwaangelintu ku samaynayso xafiisyada ururrada.

Olollahan noocan ahi waxba kama dhaco ama kama duwan codbixin doorasho oo lamida kuwa dalka looga dareerro sanad walba, maadaama ay hawl culus tahay abaabulka iyo goob-joojinta taageerayaasha Ururradu, isla markaana marxaladani ay tahay mid kamida labada marxaladood ee ugu adag ee ay marayaan ururrada doonaya inay kamid noqdaan Xisbiyada Qaranka.

Mar kale, waa marxalad  tobankii sannadoodba mar qabsoonta oo ay Dawladdu qabato, isla markaana aanay wax door ah ku lahayn daneeyayaasha iyo saaxiibada dimuquraadiyada Somaliland ee taageerada ka geysta arrimaha doorashooyinka tooska ah ee madaxweynaha iyo goleyaasha kale ee dalka.

Afar iyo toban Urur-siyaasaddeed oo cusub, ayaa ku hirdamaya in lagu kala reebo marxaladan madax-taabashada, kuwaasoo si qurux badan oo dedaal iyo karti leh taageerayaashooda ugu soo bandhigaya hadba magaalada hawshu ka qabsoomayso, laga bilaabo Caasimada Gobolka Awdal ee Boorama oo ay ka soo bilaabantay ilaa Burco oo maanta marti-gelinaysa isu-soo-baxa taageerayaasha ee madax-tirinta ah.

Magaallo kasta inta iminka shaqadu ka qabsoontay waxa u soo baxayey Urur kasta dad tiradoodu ka badan tahay Kun qof, inkasta oo aynaan ka hordhacayn ama aynaan wax la ogayn guddida hawsha fulinaysa, waxaase hubaal ah in ururrada qaar kumanaan qof keeneen fagaareyaasha magaalooyinka waaweyn, taasoo la dareemi karo miisaanka iyo baaxada hawleed ee ay qabteen aasaaseyaasha ururradu.

Dhowr arrimood ayaa xusid mudan marka la qiimeeyo hawshaasi siday u socoto, waxaana ugu mudan:

Iyadoo olollhani uu yahay mid lagu tartamayo oo doorasho, laguna kala hadhayo  ma jiro ilaa hadda hal Kiis oo carqalad ah oo ka horyimi guddida ama hawl-wadeennada Ururrada ee qaban qaabinaya kulamada taageerayaasha, waxaana goob kasta oo urur ku qabsanayo kulankiisa isugu yimaada dad baaxad leh oo aan wax rabshad iyo khaakhuul toona ah la kulmin, kuwaasoo iyagoo ku lebisan astaamaha ururka ay taageerayaan fagaaraha ku yimaada si nabad-gelyo ah, kagana laabta iyagoo wajiyadooda laga dareemayo shucuur taageero, mid waddaniyaddeed iyo inay ku qanacsan yihiin  ujeeddada ay guryahooda uga soo baxeen. Fagaareyaasha qaar ayaa laga arkayey taageerayaasha oo si xamaasad leh madaxda ururradooda kor u qaadaya oo gacmahooda ku sida.

Xasiloonida iyo sida nabad-gelyada ah ee tartankaasi uga dhex socdo ururrada laftooda, iyagoo kala jiidanaya taageerayaasha, haddana ma jirto wax durqumo, dareen isdiidmo iyo dan-qaaro ah oo ka dhex aloosan siyaasiyiinta hogaaminaya Ururrada cusub oo khudbadahooda fagaaraha laga dhadhansanyo inay dhamaantood ku qanacsan yihiin sida hawsha loo maamulayo ee ay u shaqaynayaan hay’addaha wada-jirka ugu heellan fulinteeda, sida guddida diwaangelinta iyo ansixinta asxaabta qaranka, Ciidamada amaanka oo xil weyn iyo masuuliyad iska saaray sugida amniga goobaha kulamada ay ku qabsanayaan ururradu iyo hay’addaha kale ee amniga ku shaqada leh,

Qodobka kale ee muhiimka ah, ayaa isaguna kan dhaqaalaha lagu meel-marinayo hawshan baaxadaasi leh oo aanay jirin cid ka caawinaysa guddida u xilsaaran oo dibada ka ah Qarankeena, sidoo kale lama werin faro-gelin dibadeed iyo cid shisheeye ah oo ay dhaqaale ka hellayaan Ururrada tartamayaa.

Arrimahaasi iyo kuwo kale oo badan oo aan la soo koobi Karin, kuna lamaan hirdanka doorasho urur ee dalka ka socdaa, waxa ay ka turjumayaan talaabo kale oo muujinaysa bisaylka siyaasaddeed iyo dimuquraadiyaddeed ee dalkeenu gaadhay, taasoo aanay wali hawaysan amase aan laga filayninba inay ku talaabsadaan  wadamada ku yaalla gobolka Geeska Afrika, iyo xataa inta badan dalalka Qaarada Afrika ee ay ragaadiyeen nidaamyada ku dhisan xisbiyada kooban, kuwa la qabatimay xisbiga qudha ee talada haya iyo asxaabta maqaar-saarka ah ee lagu qurxisto Doorashooyinka.

Sidoo kale, waa nidaam ay hore ugu dhici waayeen, iminkana duruus ugu filnaan doonta marka uu dhamaado mashruucan kala-reebida Ururrada cusub  ee ay qaranka u soo baxaan saddex xisbi Qaran oo ku loollama talada Somaliland, Dalalka ay xukuumaddahooda Mulkiyeen boqortooyooyinka iyo hogaamiyeyaasha aan talada lagula tartamin ee dunida Carbeed iyo qaybo kale oo kamida Qaarada Aasiya.

Sidaas awgeed Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland dawlad iyo shacab waxa la gudboon in aan guntiga dhiisha isaga dhigno  sidii loogu guulaysan lahaa hirgelinta Doorashada Asxaabta Qaranka, si aynu mar saddexaad uga baxno figta dimuquraadiyadda iyo tartanka asxaabta badan ee laynagu tix-geliyo, isla markaana ugu quus-goyno cadowga ka xun jiritaankeena qaran iyo kuwa afka inaga amaana ee uu uurku taban yahay ee u haysta inaynu taageeradooda ugu darbanahay nidaamka aynu dhisanay ee daah-furnaanta siyaasaddeed leh.

 

 

 

 

Leave a Reply