Weftiga Hoggaanka KULMIYE oo Kulamo la Qaatay Taageereyaashiisa Saraar iyo Sool una Gudbay Sanaag

0
268

Taageereyaasha KULMIYE ee Saraar iyo Sool oo ballan qaaday in mar kale ay codkooda ku garab taagan yihiin xisbiga

 

 

Laascaanood(Dawan)-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo hawlo shaqo ku maraya qaar kamid ah gobollada dalka, isla markaana maalmihii la soo dhaafay kulamo kula qaatay Taageerayaasha Xisbiga gobolada Saaxil, Togdheer, Saraar.

ayaa shalay kulan ballaadhan la qaatay jamaahiirta xisbiga KULMIYE gobolka Sool.

 

Weftiga ballaadhan ee Xisbiga KULMIYE ee uu hoggaamiyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga,ayaa kulanka ballaadhan ee ay la qaateen bulshada gobolka Sool iyo taageereyaasha Xisbiga waxaa la iskaga waraystay dar dar gelinta iyo u diyaar garawga doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona iyo in Xisbigu mar kale hanto hoggaanka dalka.

Taageereyaasha Xisbiga KULMIYE ee  gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood,ayaa ballan qaaday in ay muujin doonaan taageerada ay xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE ay u hayaan iyo in ay ku faraxsan yihiin in mar kale hoggaanka dalka uu ku guulaysto Xisbiga KULMIYE,waxaanay xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE uga mahad naqeen mashaariicda horumarineed ee ay ka fulisay gobolka Sool.

 

Dhinaca kale masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee weftiga hoggaaminayay oo la hadlay taageereyaasha Xisbiga ee heer gobol iyo degmo ee Sool iyo laascaanood,ayaa u ballan qaaday in ay ka xisbi iyo xukuumad ahaan ba in ay diyaar u yihiin in ay halkaa ka sii wadaan fulinta mashaariicda horumarineed ee gobolka.

 

Waxaanay isla qaateen xubnaha Weftiga KULMIYE iyo taageerayaasha xisbiga ee gobolka Sool in loo diyaar garoobo si isku duubni ahna loogu wada hawl galo guusha xisbiga iyo kusoo noqoshada xisbinimadiisa iyo hoggaaminta dalka labada ba.

 

 

 

Geesta kale Weftiga Kulmiye ayaa intaanay gaadhin Sool waxay kulan  la qaateen taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobolka Sool, waxay  isugu jireen aqoonyahanka, dhallinyarada, waayeelka, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka.

 

Munaasibad ballaadhan oo ay weftigu la qaateen taageerayaasha xisbiga, islamarkaana ay goob-joog ka ahaayeen maamulka gobolka, midka degmada ee xisbiga iyo xukuumadda, ayaa diiradda lagu saaray is-xogwaraysi iyo dardargelinta hawlaha xisbiga iyo abaabulka taageerayaasha xisbiga ee degmada, waxanay taageerayaashu u sheegeen xubnaha weftiga ah inay taageerayaal ahaan abaabulan yihiin, gobolkuna si midaysan u taageersan yahay xisbiga KULMIYE.

 

Ugu horrayn, masuuliyiinta Xisbiga ee Gobolka iyo degmada oo halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey weftiga uu guddoomiye-ku-xigeenka labaad hoggaaminayo, waxaanu taageerayaasha xisbiga ee gobolka Saraar ugaga mahadnaqay sida karaamada leh ee ay u muujiyeen taageerada luxdan ee ay xisbiga KULMIYE u hayaan.

Nuux Maxamed Xuseen oo katirsan guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, weftigana xubin ka ah ayaa si mug leh ugu mahadnaqay taageerayaasha xisbiga ee gobolka Saraar, waxana uu kula dardaarmay inay midnimada iyo xamaasadda xisbinnimo ee ka muuqata sii laban-laabaan.

Xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta ee xisbiga KULMIYE, sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa isaguna si qoto dheer ugu dheeraaday taariikhda xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda ka dhalatay ee dhinaca waxqabadka, waxana uu xusay in waxqabadka muuqda ee xukuumaddu halbeeg u yahay sida uu KULMIYE u yahay cidda kaliya ee daacadda ka ah horumarinta dalka iyo dadka reer Somaliland.

Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna taageerayaasha KULMIYE ee heellanaanta iyo niyadsamida la garab jooga xisbiga, waxana uu ka codsaday inay sii laba jibbaaraan taageeradii ay weligoodba siin jireen xisbiga KULMIYE.

xoghayaha garabka haweenka heer qaran ee KULMIYE,Marwo Sahra Saleebaan Cawad, ayaa iyana umahadnaqday taageerayaasha KULMIYE ee gobolka Saraar, iyada oo usoo jeedisay inay ku xidhnaadaan hoggaanka xisbigooda.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Faysal Cabdiraxmaan Cumar oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey taageerayaasha KULMIYE ee gobolka Saraar, ayaa ku adkeeyey inay dardargelin cusub ku sameeyaan taageerada xisbiga, waxana uu xusay inay safarkaas dheer usoo galeen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka taageerayaasha iyo hoggaanka xisbiga.

Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Xuseen Aadan-cadde oo munaasibadda soo af-meeray, ayaa taageerayaasha KULMIYE ee gobolka Saraar u mahadnaqay, waxana uu tilmaamay inay Caynaba weligeedba xuddun u ahayd taageerada KULMIYE, kuna suntan tahay guulihii xisbigu kasoo hooyey dhammaanba doorashooyinkii uu soo galay.weftiga ballaadhan ee Xisbiga KULMIYE ee gobolada dalka socdaalka ku maraya ayaa Sool uga sii gudbay

Leave a Reply