Somaliland: Halgamayashi Naftooda iyo Gadiidkoda u huray Dalkoooda iyo Doorkii Prof Iid

0
386

Hargeysa (Dawan) Halgankii dib u xoraynta Somaliland muu ahayn mid qalin iyo qormo lagu koobi karo sidii ay  umaddu uga qayb qaadatay laakiin qofba dhacdo uu goob joog u ahaa iyo qaayo halgan oo adag ayuu usoo maray dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Halgankii hubaysnaa ee SNM wuxuu leeyahay waayihiisa taariikheed oo meel kasta oo dad reer Somaliland ahi joogay oo dalka dibeddiisa ah ay kaga jireen halganka kagana soo qayb qaateen naf iyo taageero dhaqaaleba.

Haddaba dhacdooyinka taariikhda galay ee suntan waxaa ka mid ah mid uu qormadan nagula wadaagay  Mujaahid Prof: Iid Cali Salaan Axmed oo ka mid ahaa ganacsatadii reer Somaliland eek u signaa dalka Jabuuti oo xilli adag oo sirdoonkii Soomaaliya ku daadsan yahay Dalka Jamhuuyiyadda Jabuuti oo ay si qarsoodi ah uga haw galayeen ay u badheedheen in  Baabuur iyo Jabuuti ka saaraan oo ay u gudbiyaan SNM.

Prof Mujaahid Iid  oo imika ku sugan Carriga Ingiriiska ayaa qormadan ugu talo galay in uu kaga qayb qaato xuska iyo maalinta shuhadada SMN oo ku beegnayd 17 kii bishan.

Waxaanu ka warramaya 17 Mujaahid iyo 17 Gaadhi oo ay lahaayeen oo ay ka tallaabiyeen Jabuuti si nabad ahna ugu gudbay SNM.

Waxaanu ka waramayaa dhacdada maalintaas iyo ku dhiirashadeeda halista badan ee ay go’aanka ku wada qaateen Iid iyo raggii ay hawshaa ku wada jireen.

17 kii mujaahid ee ay maalintaa Jabuuti ka direen iyaga iyo Baabuurtooduba waxay isla markiiba ku biireen halgankii hubaysnaa ee SNM ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddiisa dib u soo celiyay.

Mujaahid Iid wuxuu ku bilaabay qormadiisa sidan.

“Muddadii uu ururkii SNM dagaalka kula jiray dawladii kalitaliska ahayd ee Soomaaliya ee uu hoggoominayay Siyaad Barre, dadka reer Jabuuti iyo dawladooduba waxay caawiyeen dadkii reer Somaliland. Dad badan oo reer Somaliland ah oo aan ka mid ahaa ayaa ganacsi midho dhal ah ka samaystay wadankaasi DJabuuti. Maalmahaasi iyo sannadaadaasi madaw Jabuuti may ahayn oo kaliya albaab u furan dadka Somaliland ku nool oo qudha ee waxa kale oo ay albaab u ahayd Mujaahidiintii SNM ee xaruntoodu ahayd Itoobiya. Maal badan ayay dadkii reer Somaliland ee laajiga ku ahaa Jabuuti u ururiyeen iyagoo markaasina ku dedaalay sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen Dawlada Jabouti inay taageero siiso urukii SNM. Waxaa jirta boqolaal dhacdooyin oo taariikhda gashay taasi oo aniga iyo saaxiibadaydii SNM ee Jabuuti joogay aanu la kulanay markhaatina ka nahay. Qormadan waxaan kaga hadlayaa qayb ka mida hawlgal taariikhi ah oo kooxdayadii SNM ee ku sugnayd Jabuuti fulinay. Hawlgalkaasi oo sida cinwaanka qormadan aan ku sheegay ku saabsanaa 17 mujaahid iyo baabuurtoodii aan ka dirnay Djibouti una dirnay SNM oo markaa xaruntooda u wayni ahayd Itoobiya sanadkii 1985. Maadaama oo Bishan aan ku jirno ee Octoobar 17 keedu ahaa maalinta ku astaysan halgankii SNM, wuxuu maqaalkaygan qayb ka yahay hawlgaladii taariikhiga ahaa ee kooxdayadii SNM ee Djibouti xaruntoodu ahayd aanu fulinay wakhtigii aan ku jirnay halganka dib u xoraynta Somaliland.

SNM waxay gudo gashay weerar wayn bishii  Oktober 1984kii, weerarkaasi oo loo yaqaanay “Dagaalkii Buuraha”. Waa xaqiiq in dagaalyahano badan oo SNM ahaa ay ku naf waayeen dagaalkaasi, laakiin kalidii taliyihii awooda badnaa ayaa kumaan kun oo ciidamadiisa ah ku waayay dagaalkaasi, intii soo hadhayna way ka niyad jabeen inay la sii dagaalamaan SNM. Dagaalkaasi waxa uu dhisay niyadii iyo rajadii SNM waxaanu fursad u siiyay in SNM ay ka hesho khibrad khasaarahaasi wayn, inay si xoog ah isu urursadaan iyo inay xidhiidh la sameeyaan dadka reer Somaliland iyagoo ku guulaystay taageeradooda. Haseyeeshee wakhtigaasi  SNM waxay ku jirtay tababar manayna haysan wax hub oo culus iyo gaadiid ah. Dagaalkaasi SNM waxay isticmaaleen lugahooda taasi oo ay ku galeen dalka gudihiisa. Tani waxay ahayd arin aad u adag inay ku dhiiradaan.

Hadaanu nahay kooxdii SNM ee joogtay Djibouti, waxaanu door wayn ku lahayn  hawlgaladii SNM ee lagula dirirayay dawladii kalitaliska ahayd. Waxaanu maal iyo maskaxba gelinay  hawladgaladii SNM gaar ahaan dhanka taakulaynta maaliyada iyo agabka kale ee ururku u baahnaa si uu u fuliyo hawlgaladii ka dhanka dawladii kacaanka. Bishii January ee sanadkii 1985, ayaa waxaa warqad deg deg ah aan ka helnay Mujaahid Aadan Shiine AHUN oo  ahaa wasiirka ciidamada ee SNM. Mujaahid Aadan Shiine waxa uu warqada nosoo qoray ku sheegay in ay deg deg ugu baahan yihiin gawaadhida xamuulka ah si hawlgaladoodu u guulaystaan. Waxa kale oo uu ku xusay warqada in baahida gawaadhida ay xaqiiqsadeen kadib Dagaalka Buuraha (War of Mountains) ee ay la galeen ciidamadii dawladii kali taliska ahayd sanadkii 1984. Warqada waxaa Jabuuti iigu keenay Xaaji Yaaxeen AHUN oo wakhtigaasi Jibuuti u yimid hawl caafimaad. Xaaji Yaaxeen intii uu ku sugnaa Jibouti, waxaa uu ila joogay gurigaya.

Mudadaasi aan halganka ku jirnay ee aan Jabuuti ku sugnaa, waxaan kala xidhiidhi jiray hawlaha SNM  Mujaahid Aadan Shiine AHUN  iyo Mujahid Abdillahi Askar AHUN iyo Mujahid Moxamed Kahin.  Kadib markii aanu helnay warqada ka socota Aadan Shiine, ayaanu isla markiiba bilaabnay inaanu ka hawlgalno sidii aanu u raadin lahayn uguna diri lahayn gawaadhi xamuul xaruntii SNM ee Itoobiya. Qofkii ugu horeeyay ee iga aqbalay inuu gaadhigiisa u talaabiyo Itoobiya oo uu u geeyo SNM wuxuu ahaa Mujaahid Haybe Ismaaciil Nuux (Haybe Jeeni) AHUN. Waxaa kale oo ku soo biiray oo aqbalay dalabkayagii ahaa inay gawaadhidooda ula talabaan Itoobiya oo SNM kula hawlgalaan 16 kale oo Mujaahid oo markaa ku sugnaa Jibouti. Afar bilood oo aanu hawlgalkaasi diyaarinaynay, waxaan ku guulaysanay bishii June ee sanadkii 1985 inuu si guul ah ku dhaco hawlgalkaasi aanu gawaadhida ugu diraynay ururkii SNM oo markaa saldhigoodu ahaa Itoobiya waxaanan u dirnay 17 Mujuahid iyo baaburtoodi. Todoba iyo tobankii (17) Mujaahid ee gawaadhidaa  u tallaabiyay Itoobiya si guul ahna ugu biiray SNM waxay ahaayeen:

Haybe Ismaaciil Nuux (Haybe Jeeni)

Aadan Cumar Cali Dheriq

Gaaxnuug  Axmed Faarah

Cumar Cabdi Dhidar

Cali Jaamac Naaleeye (Cali Gaab)

Yaasiin  Ismaaciil (Yaasin Xagato)

Saleeban Aadan (Cadaani)

Daahir Muuse Cali

Maxamed Faarax Barre (Cagataar)

Kayd Xirsi Dari

Cabdi  Sheekh

Maxamed Warsame Faarah (Guray)

Xusseen Cabdi Jiir (Ciiraale)

Jaamac Cabdalle

Cabdi Axmed Salaan Carabey

Xusseen Dhuun Dheere

Muuse Buuxsade

Sanadkii 2006 ayaa mar aan Hargeysa imid, waxaan kulan qado ah yeelanay 7 ka mida 17kaa Mujaahid anagoo wakhti fiicana wada qaadanay maalintaasi. Kulankaasi qado  sharafka ayaa waxaanu ka sheekaysanay sida hawlgalkii u dhacay.  17kaa Mujaahid oo si geesimo leh hawlgalkaa u fuliyay waxaa hada ka nool intaan ogahay  amba aan maqlay afar mujaahid oo kala ah  Saleeban Aadan (Cadaani), Cabdi Axmed Salaan Carabey  iyo Aadan Cumar Cali Dheriq. Cumar Cabdi Dhidar.  Dhamaan intooda geeriyootay AHUN inta noolna Ilaahay cimri dherer iyo caafimaad ha siiyo. Gawaadhidaasi markay SNM heshay, waxay wax weyn ka tartay halgalnkii oo ay mooraalka iyo niyada mujaahidiinta  kor u qaadey waxaana xusid mudan in hawlgalada SNM ay si xawli ah ku dhaqaaqeen.

Waxaa xusid mudan in intii aanu ku guda jirnay diyaarinta iyo isku duba ridka hawlgalkan, in dawladii kacaanka ee kalidii taliye Siyaad Barre ay isku dayday inay joojiso hawlgalada aanu kooxdayadii SNM ka wadnay jabuuti. Waxaa kale oo iyaduna xusid mudan rag badan oo door aad u muhiima ka qaatay hawlgalkan aanu mujaahidiinta iyo baabuurtooda ugu dirnay SNM. Fadlan la soco qaybaha danbe ee maqaalkan si aad wax uga ogaato qaabka ay dawladii kacaanka ee Soomaaliya isugu deyday inay u joojiso hawlgalada aanu ka wadnay Djibouti iyo xogo dheeraad ah oo ku saabsan qaabka aanu u fulinay hawlgalkan iyo tageeradi dadka reer Jabuuti iyo dawladooduba

Waa ayaanba ayaan  Allahu Akbar Wa Lilahi Hamdu”

Mujaahid Prof. Iid Cali Salaan Axmed

Cardiff, UK

Leave a Reply