Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo ka hadlay Dil dhawaan ka dhacay Degaanka Dararweyne

0
158

Ceerigaabo (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi ayaa ka hadlay dil dhawaan ka dhacay degmada degaanka Dararweyne ee degmada Ceel Afweyn, ayaa sheegay iyaga oo kaashanaya ciidamada amaanka iyo xukumadda in ay ku hawlan yihiin sidii gacanta loogu soo dhigilaaha ninkii dilkaasi gaystay isla markaana sharciga loo horgaynlahaa.

Sidoo kale waxa uu bulshada degmada Ceel Afweyn ka codsaday in aanu sameyn dilka ka dhacay degaanka Dararweyne.

Waxaanu yidhi.“Ceel Afweyn waxa aad mooda in dilalka colaadaha sababa ay ku soo noqnoqonayaan, xukuumad iyo gobol ahaanba waxa aanu ku hawlanahay sidii aanu arrintaasi tallaabo sharciga waafaqsan uga qaadilahayn.

Anaga oo kaashanayna xukuumadda, dawladda dhexe iyo ciidamada kala duwan ee Qaranka waxaanu qaadnay tallaabooyin ad-adag oo aanu ku xoojinayno abniga, oo aanu ku baadigoobayno ciddii falka gaysatay, waynaga go’an tahay in aanu sharciga horkeeno.

Arrintaasi meel adag ayaanu ka istaagayna, bulshada degmada Ceel Afweyn waxa aanu ka codsanayna iyo kuwa degaanka Dararweyne in aanay arrinta dilkaasi saameyn wada noolaanshiyahoodii, in aanay ka jawaabin oo nalaga warsugo, tallaabo adag ayaanu ka qaadi doona”

Leave a Reply