Kooxda Kubadda Cagta ee Ubax FC oo ku Guuleystay Koobka Horyaalka Haweenka

0
315

Naadiga Kubada Cagta Haweenka ee Ubax fc ayaa ku gulaysatay horyaalkii haweenka kubada cagta SLFF Women’s League 2022.,

Horyaalkan oo ka socday garoonka Hargaysa Stadium ayaa waxaa ku loolamayey 6 Naadi oo ka dhisan Caasimada Somaliland.

Koobkan ay ku guuleysteen naadiga haweenka ee Ubax FC ayaa ka mid ahaa tartamada ka socda guud ahaan dalka Somaliland, kaasoo ay wadaan xidhiidhada kala duwan eek a dhisan Somaliland, kuwa kubadda cagta, kubadda koleyga iyo xidhiidhada ciyaaraha kala duwan ee haweenka dalka.

Naadiga kubadda cagta ee Ubax FC ayaa noqon doona horyaalka ama champion-ka kooxaha kubadda cagta ee haweenka.

Tartankan ayaa ka mid ah tartamada dhiirigelinaya haweenka dhalinyarada ah ku hawlan ciyaaraha kala duwan ee ku kala daafaha dalka, waana horumar ay samaysay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland iyo weliba xidhiidhka kubadda cagta haweenka Somaliland.

Leave a Reply