Messi oo Rikoodh aan Hore loo Arag ka Sameeyey Horyaalka Faransiiska

0
250

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi waxa uu kasoo gudbay dhibaatooyinkii PSG kula kulmay xilli ciyaareedkiisii hore, waxaanu dib u helay bandhiggiisii wanaagsanaa iyo qaab-ciyaareedkii looga bartay.

Ciyaartii Sabtidii ee Troyes ayuu Messi dhaafay tirada goolashii uu xilli ciyaareedkii hore dhaliyey, isaga oo dhaliyey gool masaafo fog ah oo ad u qurux badnaa, iyadoo goolashiisana ay dhinac socdaan inuu kubbad-samayn, caawin iyo hal-abuur ku darsado kooxdiisa.

Xilli-ciyaareedkii hore, waxa uu dhaliyey 11 gool oo kaliya, laakiin hadda waxa uu shabaqa soo taabtay 12 jeer, isaga oo siddeed gool dhaliyey toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaana uu doonayaa in uu jawiga ugu wanaagsan ku tago Koobka Adduunka.

Goolkii uu ka caawiyey Neymar ciyaartii Troyes, Lionel Messi ayaa ku diiwaangashaday caawintiisii 13aad, waxaanay toban ka mid ah goolashan uu caawiyey ay yihiin horyaalka Ligue 1, taas oo ka dhigaysa ciyaartoygii ugu horreeyey ee 10 caawimood oo Ligue 1 ah sameeya 13ka kulan ee ugu horreeya xilli ciyaareedka. Waxa waliba isaga usii dheer in uu dhaawac kaga maqnaa ciyaartii Reims.

Rikoodhkiisan ayaa imanaya iyadoo saddex toddobaad oo kali ahi ka hadhsan yihiin waqtiga uu bilaabmayo Koobka Adduunka ee bishan aynu ku jirno 20keeda ka furamaya waddanka Qatar. Waxa uu Leo haystaa fursad uu saddexda ciyaarood ee ka hadhsan Koobka Adduunka uu kusii dheeraysto goolashiisa iyo caawintiisa.

Leave a Reply