Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay hawlgalkii Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasaddu ku soo gabogabeeyeen Madaxtaabashada kunka qof ee Ururada Siyaasada ee Gobalada dalka.
Maxamed Kaahin Axmed oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Wasaarada arimaha guduhu kala shaqaysay
gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada Madaxtaabashada dadkii looga baahnaa Ururada Siyaasadda.
Maxamed Kaahin oo Arimahaa ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Guud ahaan Somaliland muddooyinkii ugu dambeeyay waxa ka socday hawshii Ururada Siyaasada oo dhamaatay muddadoodii,waxaana lagu jiray in la soo dhammaystiro tirada Madaxtaabashada Ururada Siyaasadda ee lixda Gobol doorasho oo soo dhaamaday, Wasaaradda arimaha Gudaha waxa ay kala shaqaysaa xaga nabedgalyada gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Komishanka Dooorashooyinka Qaranka,”.
Sidoo kale Wasiirka ayaa ku boogaadiyay gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada soo dhammaystirka Madaxtaabashada kunka qof ee Ururada Siyaasada ee Gobolada dalka.”Waxaan boogaadinayaa shacabka Somaliland ee Gobolada dalka ku dhaqan iyo gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta axsaabta qaranka sida xil kasnimada leh ee ay usoo gabogabeeyeen hawshaas,waxa kale oo aan boogaadinayaa Ururada Siyaasada sida Wanaagsan ee xeerarka ugu hoggaansameen,waxaana aan hambalyaynayaa Ciidamada Booliska iyo Ciidamada Qaranka oo gacan siinayay gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada.waxaaynu ku sii dhawnahay xilligii Doorashooyinku dhacayeen shirkii Golaha Wasiirada waatii laga ansixiyay Miisaaniyaddii Doorashada Ururada Siyaasadda iyo Doorashada Madaxtooyadda,”