Booliiska Jabuuti iyo DDS oo Ballanqaaday Xoojinta Wadashaqeynta Booliska Somaliland

0
220

Hargeysa-(Dawan):- Taliyaha Ciidanka Booliiska Jabuuti Col. Cabdiraxmaan Cali Kaahin iyo Taliye-xigeenka Ciidanka Booliiska Dawlad deegaanka Soomaalida Sareeye guuto Cali Cabdi Jaabir ayaa bogaadiyey munaasibada 29aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska JSL, isla markaana ballanqaaday inay xoojin doonaan wada shaqeynta u dhexeysa.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Jabuuti Col. Cabdiraxmaan Cali Kaahin oo hadal ka jeediyey ayaa  ka codsaday Taliyaha Booliiska JSL inuu ka caawiyo sidii ciidankiisa Jabuuti ay uuga faa’iideysan lahaayeen horumarka uu soo bandhigay.

Waxuu sheegay in Jabuuti iyo Somaliland yihiin dad walaalo ah, kuna khasban yihiin inay dhinaca amaanka ka wada shaqeeyaan, maadama danta labada wadan ku xidhan tahay.

Taliye-xigeenka Ciidanka Booliiska Dawlad deegaanka Soomaalida Sareeye guuto Cali Cabdi Jaabir ayaa sheegay inuu Madaxweynaha JSL & ciidanka Booliiska salaam uuga sido Taliyaha Booliiska Itoobiya iyo Taliyaha Booliiska DDS, oo hawlo awgeed uga soo qeybgeli kari waayey munaasibadan oo lagu martiqaaday.

Waxuu sheegay in shacabka DDS iyo Somaliland wadaagaan saaxiibtinimo dhinaca dhaqaalaha, amaanka iyo maamulka-suuban leeyahiin, isagoo raaciyey inay dalka Somaliland u yaqaanaan hooyadii halganka iyo nabada.

“Waxaan ballanqaadanyaa annigoo afka ciidanka booliiska Itoobiya iyo DDS ku hadlaya inaan sii xoojin doono wada shaqeynta iyo xidhiidhka Ciidanka booliiska JSL aanu la wadaagno.

Taliye-xigeenka Booliiska DDS S/Guuto Cali ayaa sheegay inuu shacabka Somaliland ka raaligelinayo isbedelka ka hor dhibaatooyinkii ay kala kulmi jireen baraha kantaroolada, maadama ay ahayd dhibaato inna wada haysatay,Ilaahay ayaa inanga soo saaray.

Waxuu bulshada Somaliland uugu baaqya inay ilaashadaan waxa la wada leeyahay oo ah nabadgelyada, hooyada ayuu dan u yahay, aabaha iyo ubaxa soo koraya ee mustaqbalka ayuu dan u yahay, xisbul muxaafidka iyo xisbiyada mucaaradka ayuu dan u yahay, aynu wada ilaashano.

Leave a Reply