Boolisku waa Lafdhabarka Horumarka Dalka ” Gudoomiyaha Baarlamaanka.

0
415

Hargeysa-(Dawan):-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane. Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay inay muhiim tahay in ubadka ciidanka boolisku helaan daryeelka ubadka madaxda ama ganacsatada oo kale.

Guddoomiye Cabdirisaaq oo hadal ka jeediyey munaasibada Xuska Sannad Guurada 29aad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland  ayaa sheegay in Boolisku lafdhabar u yahay dhamaan nolosha iyo horumarka dalkeena, la’aantood wax badan mayno qabsaneen.

Waxuu sheegay in ciidanka booliisku soo mareen hayaan dheer, laga soo bilaabo sannadkii 1993-gii, inta hogaankiisa isaga dambeeyey inta dhimatay iyo inta nool waynu ku hambalyeynaynaa.

Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa sheegay in ciidanka booliiska u xilsaaran yahay ilaalinta amaanka, xaqna way ugu leeyahiin Madaxweynaha ilaa bulshada in lagala shaqeeyo booliiska hawlaha amaanka ay gacanta ku hayaan.

Waxuu sheegay inuu ku hambalyeynayo qorshe hawleedka booliiska ee Taliye Maxamed Adan soo bandhigay, isla markaana qodobka ka muuqda ee booliisku waa saaxiibka shacabka inay kaga dhabeeyaan.

Gudoomiyaha Wakiilada Md. Cabdirisaaq ayaa sheegay in qof kasta oo shaqo haya la dhaliilo, sababtoo ah shaqada dhaliisha keenta, sida warbixintii golahu ka soo saaray shaqaaqooyinkii mudaharaadada, ma ahayn dhaliil ee waxay ahayd toosin, booliiskuna waa inay garowshiiyo ka bixiyaan waxii shaqadu keento.

Waxuu sheegay in ubadka ciidanka booliisku muhiim tahay inay  helaan daryeelka ubadka madaxda ama ganacsatada oo kale, waana in Wasaarada Waxbarashadu ka soo saarto qorshe ciidanka iyo ubadkooda  wax lagu barayo, tayadoodana kor loogu qaadayo.

 

Leave a Reply