Dhawaan Ururada Cusub inta soo Baxda iyo Saddexda Xisbi way Tartamayaan, waana Sharci…” Madaxweyne Muuse

0
248

Madaxweynaha oo shacbiga Somaliland ka codsaday in dhammaan lala shaqeeyo ciidamada

 

 

Madaxweynaha(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dhawaan ururada cusub inta ka soo baxda iyo saddexda xisbi ay tartamayaan, oo ay sharci tahay

 

Madaxweynaha oo ka qayb-galay munaasibadda xuska sannad-guurada 29-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shacbiga Somaliland ka codsaday in dhammaan lala shaqeeyo ciidamada oo aad iyo aad loogu ixtiraamo markay nabada ka shaqaynayaan, isla markaana aan cadow loo qaadan ee gacan la siiyo.

 

Munaasibadda xuska 29-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay xarunta guud ee ciidanka Boolisku ku leeyahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxa kala soo qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiyaha Maxkamada sare Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Xasan Axmed Aadan, Madaxweyne ku xigeenkii hore, Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee dalka, xildhibaano, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, qaybaha bulshada, marti sharaf kala duwan oo ka socday dalal jaarka iyo safiirada Somaliland u fadhiya dalalka Ethiopia, Jabuuti, Taiwan, Turki iyo Kenya, sidoo kale waxa fadhiyey laguna soo marti qaaday munaasibada Taliyeyaasha Ciidamada Booliska ee Jabuuti iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida.

 

Ugu horayna waxa halkaasi Lagu soo bandhigay riwaayad iyo filim koobsanaya taariikhda iyo qiimaha uu boolisku u leeyahay qaranka iyo bulshadiisaba, waxaana isla goobtaasi laga akhriyey dhacdooyinkii iyo danbiyadii sannadkan 2022 ka dhacay dalka ee ay boolisku diwaangeliyeen oo uu qodob qodob u dul istaagay hoggaanka ciidanka Boolisku, waxa kale oo halkaa ka hadlay Taliyaha Booliska Somaliland oo ka warbixiyey Arrimaha amniga iyo xaalada guud ee dalka, Gudoomiyaha Wakiilada, wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka booliska Jabuuti iyo taliye ku xigeenka Ciidanka Dawlad Deegaanka Soomaalida.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo gunaanadkii munaasibadda sannad-guurada 29-aad ee xuska Aas-aaska ciidanka Booliska ugu hambalyeeyey horumarka ay ku tallaabsadeen 29-ka sanno ee jireen, waxaana uu yidhi “Dhammaan Ciidanka booliska madaxdiisa iyo qoysaskooda inaan uga mahadnaqo qaran ahaan hawlaha culus ee ay dalka u hayaan, waxaanan shacbiga Somaliland ka codsanayaa in dhammaan lala shaqeeyo ciidamada oo aad iyo aad loo ixtiraamo markay nabada ka shaqaynayaan aan cadow loo qaadan ee gacan la siiyo, waanan hambalyeynayaa Ilaahay sannadkaa sannadkiisa kheyr iyo badhaadhe haydinku gaadhsiiyo”.

 

“Argagax ayey leedahay, Qaranka waa ku gef, sharciyan waa xaaraan in magac beeleed lagu yidhaahdo, hadii waxaasi dhici waayaan, deegaankayaga laga codeyn mayo. Waxaan ku waanin lahaa Madax-dhaqameedka hawsha weyn ee aad haysaan ee dhaxalka laydiin siiyey ee laydin ku ixtiraamo ku eekaada oo waxaydaan garanayn ha dar-jiidhina, siyaasiyiintu way laacdamayaan ma coloobaan haku lugo’ina”. Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi, isagoo raaciyey,

Madaxweynaha oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay inay dhacayaan, waxaanu yidhi,

“Sida guddida doorashooyinku u dhigaan ayey isugu xigayaan, dhowaana ururada cusub inta ka soo baxda iyo saddexda xisbi way tartamayaan, waana sharci, ninka ka leexanaya hadaanu doorasho doonayn ha iska joogo, qaranka nin kursi

Leave a Reply