Tallaabo ayaa laga Qaada askariga shacabka ku xadgudba.” Taliyaha Booliska

0
219

Hargeysa-(Dawan):- Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL Sareeye Gaas Maxamed Adan Saqadhi ayaa sheegay in ciidanka booliisku yahay saaxiibka dadweynaha, hadii aanay shacabka isku xidhmin, waxba ma qaban karaan.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Maxamed oo hadal ka jeediyey munaasibada 29aad ee Aasaaska Ciidanka ayaa sheegay in markii la magacaabay uu u yimi ciidan diyaarsan ooh awl kasta qaban kara, ka dib saraakiisha taliska oo Taliyahu odey u yahay waxaan diyaarinay qorshe hawleed shan sannadood oo todoba tiir ka kooban.

Waxuu sheegay in lix tiir horumarintooda muhiim loo arkay ka mid yihiin tirada iyo tayada ciidamada, dhismayaasha oo loo baahday saldhigyo, xeryo iyo hoolal cusub, sidoo kale dhinaca gaadiidka oo ciidanku la’aantood aanu hawlgeli karin. Dhinaca isgaadhsiinta ayaa la horumariyey, qodobka shanaad ee muhiimka loo arkay booliisku waa saaxiibka dadweynaha, hadii aanay shacabka isku xidhmin, oo wada shaqeyn yeelan, oo saldhigyada ku soo rawaxin shacabku, booliisku waxba ma qaban karo.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay inay bilaabeen aasaaska qeybta la dagaalanka mukhaadaraadka, tayeyn badan ayaa dhinac ciidan iyo gaadiid lagu sameeyey, haddana khamriga iyo xashiishada hadii aanay xukuumad iyo shacab gacmaha isku qabsan la dagaalankiisa, way adkaanaysaa inaan cidhibtirno.

Si loo xoojiyo isdhexgalka booliiska iyo bulshada waxaanu tababaro muddo todobaad ah ku qabanaa saldhigyada, waxaanan ka dhex samaynay xafiisyo bushadu leedahay, si ciidanka iyo bulshadu isku dhexgalaan

“Xafiis cabashada dadweynaha ayaan samaynay oo bog leh iyo telefoon oo qofku dhibaatada ku dhacda kala xidhiidh karo. Xafiiska dabagalka dacwadaha iyo la-xisaabtanka baadhista ayaa la sameeyey, oo maxaabiista xidhan dacwadahooda lagu kantaroolo si cadaalada loo sugo.”

Taliyaha Booliiska ayaa sheegay in talaabo sharci laga qaado askariga shacabka ku xadgudba ilaa maxkamad si loo xoojiyo wada shaqeynta ciidanka booliiska iyo bulshada.

“Xeerka ciidanka ayaa dhamaan booliska lagu tababaray oo tilmaamaya xuquuqda ciidanku leeyahay iyo xadka aanu dhaafi karin, oo xuquuqda muwaadinka sugaya.”

Waxuu sheegay in ciidanku juhdi badan geliyey sidii ay dhinaca cuntada isku filaansho uuga gaadhi lahaayeen, dalagyo kala duwana lagu beeray beerta ciidanka Wajaale.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Gaas Maxamed ayaa sheegay in saraakiil tiradoodu gaadhayso laba boqol iyo todobaatan saddex sannadkan dalacaad heleen, munaasibada awgeed.

Waxuu sheegay in sannadkan afar askari ku dhinteen hawlgalada ciidanka booliisku sameeyo, sidoo kale laba boqol iyo sagaal iyo labaatan askari ayaa hawlgalo mudaharaadadii kala duwan ay ugu badnaayeen ku dhaawacmay, taasoo ku timi dhawristii ciidanku ilaalinayeen dadweynahii wax-ma-garatada ahaa.

Taliye Maxamed oo ka hadlayey qorshaha booliiska ee mustaqbalka ayaa sheegay inay kobcin doonaan tababarada ciidanka dhinaca baadhista iyo hogaaminta ee saraakiisha, sidoo kale waxaan diyaarin doonaan hanaan elektaroonic (database) kiisaska dalka ka dhaca dhamaantood, oo habka qoraalka lagaga guuro, xafiiska cabashada dhamaan gobolada dalka laga furo, xafiiska dabagalka dacwadaha la sii xoojiyo. Xidhiidhka booliiska ee wadamada jaararka sii xoojino iyo ha’yadda Intelpol inaan dhinacyo badan iska kaashano.

Wuxuu uga mahadceliyey Madaxweynaha JSL iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha talooyinka iyo taageerada ay ciidanka la garab taagan yihiin, sidoo kale Wasaarada Maaliyadda iyo xafiiska xisaabaadka ayuu u mahadceliyey iyo sidoo kale Dawlada hoose iyo jaamacadaha dalka qaarkood oo waxbarasho bilaash ah siiya ciidanka sannad walba.

Leave a Reply