Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la yeeshay Garsoorayaasha Maxkamadaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex.

0
364

Qore: Faysal Xiis Afgaab

 

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa kulan la yeeshay Garsoorayaasha Maxkamadaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf ayaa shir balaadhan la yeeshay Garsoorayaasha Maxkamadaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan Cabdi iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf ayaa si kooban ula dardaarmay Garsooreyaasha kuna dhiiri galiyay in ay sii wadaan shaqo wanaaga isla markaana cadaaladda ku taagnaadaan. Geesta kale Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye ayaa isna garsooyaasha kula dardaarmay in ay illaaliyaan oo ay raacaan Xeerarka dalka u yaalla. Isla markaana ku dhegenaadaan habraacyada ay jidaynayaan xeerarku hadii ay dacwaduhu yihiin Madani, Fulin iyo Ciqaab ba.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, oo shirka soo xidhay ayaa  Garsoorayaasha uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay hayaan, waxaanu tibaaxay sida ay lama-huraanka u tahay in Garsooruhu diiradda saaro in maalinwalba shaqo la taaban karo ay qabtaan si ay u socodsiiyaan shaqada hortaalla iyaga oo marwalba ku salaynaya xeerarka dalka u yaalla. Guddoomiyaha ayaa ku boorriyay Garsooreyaasha in ay awoodda isugu geeyaan sidii dacwaduhu muddo kooban ugu dhammaan lahaayeen iyadoo laga fogaanayo dhammaan asbaabaha suurtagalinaya dib-u-dhac ku yimaada. Geesta kale waxa uu Guddoomiyuhu tibaaxay ahmiyada ay leedahay in Garsooruhu direyska qaato isla markaana ka fogaado wax kasta oo haybadda Garsoorka hoos u dhigi kara.

Ugu danbayn waxa uu Guddoomiyuhu ku dhiiri-galiayay in ay daalacdaan xeerarka markasta oo ay firaaqo helaan, fiiro dheerna u yeeshaan micnaha iyo nuxurka ay xambaarsanyihiin, waxaanu u hoga-tusaaleeyay in joogteynta barashada cilmigu tusaale u tahay horumarka qofka iyo bulshada uu la noolyahayba. Gunaanadkii waxa uu Guddoomiyuhu Garsoorayaasha ku adkeeyay in ay samaystaan buuggaagta xusuus-reebka kuwaasi oo ku tilmaamay, in ay u sahlayaan in ay xasuusnaadaan dhammaan dacwadaha ay gacanta ku hayaan si ay uga fogaadaan caqabad dhanka wakhtiga ah oo sababi karta dib-u-dhac ku yimaada dacwadda. Gebagebadii Gudoomiyuhu waxa uu Ilaahay uga baryay in uu shaqada culus ee Garsoorka u fududeeyo, kuna garab-galo.

 

Leave a Reply