Baanka Dhexe oo Tababar Hagaajinta Hab Maaliyadeedka Dalka soo Xidhay

0
196

Hargeysa-(Dawan);- Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Mudane. Mukhtar Cabdi Quule ayaa soo xidhay tababar u socday shaqaale ka tirsan Baanka Dhexe, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

 

Tababarkan oo muddo u socday hawlwadeenada ayaa la sheegay inuu ku ku saabsanaa hirgelinta Hannaanka qasnadda Mideysan ee Dawladda (Treasury Single Account).

 

Agaasimaha guud ee Baanka dhexe Md. Mukhtaar Cabdi Quule oo hadal ka jeediyey hawlwadeenada ayaa u sheegay in aqoontu tahay waxa dadka is-dhaafiya, waxaanu kuula dardaarmay inay weeleeyaan aqoonta la baray, isagoo raaciyey in tababarku gundhig u ahaa hagaajinta hab maaliyadeedka dalka.

 

Hannaankan waxaa uu muhiim u yahay fulinta Miisaaniyadda Qaranka (Budget Execution) waxaana uu qayb ka yahay Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Qaranka (Public Financial Management Reform).

Leave a Reply