Shirkad Caalami ah oo Wershad soo Saarta Saliidda Cuntada ka Dhisaysa Berbera

0
236

“Shirkadda IFFCO waxa ay dhisi doontaa kaabe-yaal kor loogu qaadayo ganacsi aan kala joogsi lahayn” Shiraz Allana

“Waxa aanu ku faraxsanahay Inaan soo dhawaynno Shirkad sida IFFCO oo kale oo aanu ka wada hawl geli doono Aagga Dhaqaalaha ee Berbera…” Suhail Albanna DPW WORLD


Berbera(Dawan)- Shirkadda DP World ayaa heshiis iyo iskaashi la saxeexatay Shirkadda Cuntada soosaarta ee loo yaqaan IFFCO, kaas oo ah in Warshad soosaarta saliidda cuntada laga dhiso Aagga Dhaqaalaha ee Berbera( BEZ) Somaliland. Shirkadda IFFCO Somaliland ayaa 25 Sano oo heshiis ah la saxeexatay in Aagga Dhaqaalaha ee Berbera laga dhiso Warshad soosaarta saliidda cuntada cabbirkeeduna yahay 300,000 Square Feet, Mustaqbalkana lagu kordhin doono 300,000 Square feet. Marka la dhamaystiro wejiga koobaad ee warshaddan soosaaraysa saliidda cuntadu waxa ay abuuri doontaa boqolaal shaqo oo ay ka shaqeeyaan dadka Somaliland. Dhismaha ayaa bilaabmi doona bilaha ugu horreeya sannadka 2023.

Shirkadda DP World ayaa waxaay horumarinaysaa Aagga Dhaqaalaha ee Berbera, Somaliland, iyadoo daba socota mashruucii maalgalineed ee dekedda Berbera, ee ahaa in Dekedda Berberi noqoto, isku xidhka ganacsiga badaha, Wershadaha iyo weliba inay u adeegto Geeska Afrika oo dhan.

Aagga Dhaqaalaha ee Berbera waxa ay ku astaysan tahay goob macaamiiisha geeska oo dhami ay si fudud u isticmaali karaan, taas oo Shirkadda DP World aanay keliya horumarinayn Aaggan dhaqaale balse lagu diyaariyay goob kuu fududeynaysa adeegyada macaamiisha kuna haboon maamulidda iyo maareynta mashaariic kala duwan. Waxaa na ka mid ah is dhexgalka iyo faa’iidaysiga Aagga Ka Caaggan Cashuuraha (Jafza), Dhinaca kale shirkaduhu waxa ay iska diiwaa galin karaan Aagga Ka Caaggan Cashuuraha ee Jabal Ali (Jafza), Sidoo kale Aagga Dhaqaalaha ee Berbera waxa uu u fududeyn karaa macaamiisha ka faa’iideysiga adeegyada (Jafza).

Heshiiskani waxa kale oo uu qeexayaa in IFFCO Somaliland ay heshiis kiro oo muddo 25 sano ah la gashay Aagga Dhaqaalaha ee Berbera kaas oo hoos yimaada Aagga ka Caaggan Cashuuraha ee shirkadda DP World Dubai, taas oo ah in laga dhiso warshadda saliidda cuntada oo cabirkeedu yahay 300,000 laba jibbaaran. Iyada oo weliba mustaqbalkana lagu kordhinayo 300,000 laba jibbaaran. Intaas waxa sii dheer, Shirkadda IFFCO waxa ay qorsheynaysaa in wejiga koowaad ee dhismaha warshadda saliida cuntadu u abuuri doonto boqolaal shaqo dadka deegaanka ee Somaliland.

Shiraz Allana, Agaasimaha ahna Xubin ka mid ah Kormeerka Shirkadda IFFCO ayaa yidhi: “ Shirkadda IFFCO waa ay ku gudo jirtaa maalgelinta mustaqbalka cuntada iyo isku xidhka caalamka oo dhan, waxa aanu hada ku hawlganlnaa 95 shirkadood kuwaas oo ay ka mid yihiin warshado ku dhex yaala dekeddaha caalamka oo dhan. Iskaashigan hadda aanu la yeelanayno Shirkadda DP World waxay inna tusaysaa in aanu ku taaganahay qorshaha Isku-tagga Imaaraatka carabta ee haqab-beelka cuntadada sanadka 2051, ujeedaduna tahay dhisidda warshaduhu inay ka qaybqaataan adeegga ganacsiga adduunka, Heshiiskani waxa kale oo uu kor u qaadayaa macaamiisha qaaradda Africa in ay si degdeg ah oo hufan u adeegan u karaan, taas oo ay sababayso maalgelinta warshadaha cuntada iyo adeegyada isku-xidhka ganacsigu. Shirkadda IFFCO waxa ay dhisi doontaa kaabe-yaal kor loogu qaadayo ganacsi aan kala joogsi lahayn”.

Suhail Albanna, Gudoomiyaha ahna Maamulaha Guud ee Shirkadda DP World faraceeda Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa yidhi: “Waxa aanu ku faraxsanahay Inaan soo dhawaynno Shirkad sida IFFCO oo kale oo aanu ka wada hawl geli doono Aagga Dhaqaalaha ee Berbera, go’aanka IFFCO ay ku dhisayso warshaddani waxa kalsooni wayn iyo soo jiidasho uu u leeyahay Aaggan. Xaqiiqdii, marka la isku daro, Dekedda, Aagga dhaqaalaha iyo u addeegidda macaamiisha oo hal-goob ah oo ay maamulayso shirkadda DP World, waxa ay ka dhigan tahay Inaad ka maqan tahay wadankaagii, laakinse addeega aad helaysaa la mid yahay kii gurigaaga iyo dadka Dubai oo deggen oo kale sida IFFCO oo kale. Aaggan dhaqaaluhu wuxu saamayn togan ku yeelan doona dhaqaalaha gudaha iyo kan geeskaba isagoo abuuraya shaqooyin soona jiidanaya in la helo maalgelinno shisheeye oo kale”

Xogta Shirkadda IFFCO:

Shirkadda IFFCO waxa la aasaasay sanadkii 1975, waana shirkad caalami ah kuna taala Isku-Tagga Imaaraatka Carabta, taas oo samaysa cuntooyin, sidoo kale suuqgeyn u samaysa agab faro-badan oo cunto, heshiisyada cuntada iyo weliba addeegyo dheeraad ah. Shirkadda IFFCO waxa ay hormuud ka tahay soona saartay FMCG ee caalamiga ah sida, London Dairy, Tiffany, Noor, Rahma, Al Baker, Hayat iyo Savannah. Waxa imika hawlgala 95 Warshadood oo ka shaqeeya 48 wadan oo 80 ka mid ah alaabahaas ay shirkaddan IFFCO hormuud u tahay kuwaas oo yaala in ka badan 100 suuq oo caalamka ah. IFFCO waxa ay bixisaa qiime aan la barbar dhigi Karin shirkadaha kale dhamaan suuqyada Bariga Dhexe, Afrika, Yurub, Eeshiya iyo Maraykanka.

Xogta Shirkadda DP World

Waxa aanu nahay hormuudka isku gudbinta alaabaha iyo fududeynta badeecadaha iskaga kala goosha adduunka, adeegyada aan xadidnayn iyo badeecadaha oo taabanaya qayb kasta oo ka mid nolosha, Waxaanu nahay isku xidhaha adduunka, 296 goobo ganacsi oo ka kala jira 78 waddan oo ku teedsan lixda qaaradood ee adduunka. Laga soo bilaabo badeecadaha iska kala goosha baddaha iyo Aaggaga ka caagan cashuuraha iyo goobaha warshada ee aanu ka howlgalno annaga u danaynayna addeega macaamiisha iyo weliba annaga oo adeegsanayna tiknooliyada casriga ah.

Goob kasta oo aanu ka hawlgalno, waxa aanu ku xidhanahay bulshada annaga oo ilaalinayna xeerarka muwaadinimo, Waxa aanu ku dedaalnaa soo kordhinta saamayno togan xag dhaqaale iyo xaq bulsho-ba. Waxa naga go’an, in Shaqaalahayaga oo ka badan 97,500 oo ka kala hawl gala 78 waddan in ay u heelan yihiin tixgelinta qof kasta oo macmiil ah ama xidhiidh la leh shirkadda DP World in qiyamkiisa la ilaaliyo. Waxa aanu qabanaa waxyaabaha kor ku xusan oo dhan annaga oo dhisayna Inaan la yeelano xidhiidho fiican dawladaha, shirkadaha maraakiibta, iyo ganacsatada agabkoodu iyo alaabtoodu iskaga kala gooshto badaha.

Hore ayaan uga sii fikirnaa, waxaa aanu rajaynaa isbedel, annaga oo addeegsanayna tiknoolojiyad casri ah si aanu u abuurno habka ugu fudud ugana degdega badan, waxa aanu Markasta ka fikirnaa xal waara, annaga oo ku taagan oo ilaalinayna xag dhaqaale, bulsho, iyo xag deegaanba.

Leave a Reply