Wasiirka Maalgashiga oo la kulmay Wefdi Ganacsato ah oo ka Socda Dalka Malaysia

0
269

 

Hargeysa-(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Mudane. Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare ayaa  kulan xafiiskiisa kula yeeshay laba wefti oo ka socda dalka Malaysia oo xiisanaya maalgashi ay dalka ka sameeyaan.

 

Kulanka Wasiir Aare iyo wefdiga shirkadda My Venture Capital iyo shirkada Dayiba oo hore maalgashi uga sameysay dalka ayaa la xidhiidhay isbarasho iyo xog-ogaal u noqoshada fursadaha maalgashi ee dalka ka jira,

 

Wasiirka Maalgashiga Mudane. Cabdillahi oo wefdiga uga warbixiyey fursadaha maalgashi ee dalka ka jira, ayaa la sheegay in labada dhinac isla qaateen sidii xidhiidhkooda loo sii wadi lahaa, talaabooyinka xiggana loogu gudbi lahaa.

 

Kulanka Wasiirka Maalgashiga iyo wefdiga ganacsatada Malaysia ayaa imanaya xilli mudooyinkii u dambeeyayna ay Somaliland kusoo badanayeen Maalgashadayaasha dibada ka imanaya ee danaynaya Fursadaha Maalgashi ee yaala dalka Jamhuuriyada Somaliland.

 

 

Leave a Reply