Wasaaradda Caafimaadka oo Ololle lagu dabar-goynayo Kanneecada ka fulisay Gobolka Togdheer

0
189

Burco(Dawan)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland  Xafiiskeeda gobolka Togdheer oo ka duulaya siyaadda iyo habraacyadda lagula dagaalamayo xaalada xumadda ah ee mudooyinkii u dambeeyay ka jirtay dalka ayaa ku qaaday olole balaadhan oo lagu Buufinayo goobaha kala duwan ee ay kaneecadu ku dhalato ee Magaalada Burco maalmihii la soo dhaafay.

 

Olollahan oo uu hogaaminayey Isuduwaha wasaaradda ee gobolka Togdheer, isla markaana ay wehelinayeen hawl-wadaanneeda caafimaadku,  ayaa ujeedadiisu tahay  sidii loo dabar-goyn lahaa goobaha ay ka dhalato sidoo kalana ay ugxanta dhigato kaneecadu oo ah mida sababta Xumada dalka ka jirta iyo si loo yareeyo khadarta Ka imanaysa Kaneecada ee ay ku keenayso xannuunada ay faafiso.

 

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa mudooyinkii u dambeeyay waday daddaalo lagu xakamaynayo sidoo kalena hoos loogu dhigayo xaaladda xumadda ah ee jirta, dhamaan gobolada dalkana ka bilawday ololle lagu dabar-gonayo Kaneecada iyo goobaha ay fadhiisato.

Leave a Reply