Xikmadaha Maanta

0
245

 

  • Haku adkayn naftaada cibaadada, ku dheganow sunnaha iyo dhex dhexaadnimada.
  • Araga oo la sii daayaa wuxuu ku dhaxal siiyaa Hammi, Qammi iyo dhaawac uu qalbiga ku reebo. Ka wanaagsani waa ka indhihiisa laaba, Allah (sw) ka cabsaday.
  • Ha cadhoon, hadaad cadhootana aamus oo shaydaanka iska naar meeshana bedal, hadii aad fadhiday istaag hadii aad taagnaydna fadhiiso, wayso qaado oo badi dikriga Allah (sw).
  • Cidna haka sugin mahadnaq, waxaa kugu filan Abaalka Allah (sw), waxba kaama galin kii ku bakhaylay ama ku xaasiday.
  • Ka Maydh qalbigaaga xasadka, kana nadiifi cuqdadaiyo uurxumada.
  • Iska jir malaha xun, kana fogow malaha beenta’ah iyo waxa aan jirin ee ay naftu kuugu sheekayso.

Leave a Reply