Suuxdinta Qadiimka ah iyo Xubnaha Jidhka!

0
358

Koox culimo iyo dhakhaatiir isagu jira oo cilmi baadhis xeel dheer ku sameeyay isha banii’aadamka iyo hawlaheeda ayaa soo saaray warbixino iyo cadaymo sharaxaya sida ay Ishu u shaqayso waxayna kooxdaasi cadaysay in Ratiinaha ku jira Isha dadku ka koban yahay 135 malyuun oo unug dareen, kuwaasi oo hawshoodu tahay inay sawir ka qaadaan walax iyo weliba inay kala saaraan midabada hadba shayga hortooda yaala ama ay ku jeedaan. Cilmi baadhayaasha ayaa sheegay inay arrin yaab leh ay noqotay in Ishu hawshaasi oo dhan ku fuliso mudo  cabirkeena caadiga ka baxsan oo aan la qiyaasi karin xawaaraheeda.

 

Dad badan ayaa aaminsan in muruqa ugu adag ee jidhka banii’adamka ku jira uu yahay muruqa lugta laakiin culimada ayaa sheegay in muruqa ugu adagi uu yahay Carabka. Waxaana cilmi baadhistu waafaqaysa dareenka dadka ee ah Carabku Lafna Maaha, haddana laf ayuu jebiya.

Xaqiiqooyinka Cilimiga ayaa sugay in qofka banii’adamka ahi marka uu dhasho ay lafihiisu ka kooban yihin 300 lafood, laakiin marka uu qaan gaadho ay noqdaan 206 lafood.

 

Kooxo culimo ah oo iyana daraasado kala duwan ku sameeyay jidhka iyo aadamiga ayaa cadeeyay in Hindhisado ay tahay arrimaha caadiga u dhaca ee haddana ugu halista badan qofka banii’adamka ah. Baadhayaasha ayaa cadeeyay in haddii u qofku isku dayo inuu isku celiyo hindhisada ay cidhiidhi gelin karto laabtiisa taasi oo sababi kartaa in xidida dhiiga ee madaxa qaarkood qarxan oo qofkana  ku keeni karta dhimasho degdeg ah.

Daraasadahani jidhka aadamiga laga sameeyay waxa kale oo ay sheegeen in xadiga birta ah ee ku jira dhiigga qofka ay ku filan tahay in laga sameeyo 5 xabo masaabiir ah.

<

Dhakhaatiirta qaliinka waayadii hore marka ay qofka doonaynaan inay qaliin ku sameeyaan  waxa ay adeegsan jireen in qofka madaxiisa laga garaaco goobi cayiman taasi oo keeni jirtay inuu miyir beelo.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply