Taajirka UK ee Sir Jim Ratcliffe oo Shaaciyey Go’aankiisa la Xidhiidha Iibsiga Liverpool & United

0
147

Maalqabeenka ugu taajirsan guud ahaan Britain ee Sir Jim Ratcliffe ayaa shaaciyey go’aankiisa la xidhiidha Liverpool oo toddobaadkan la shaaciyey in la xaraashayo iyo Manchester United oo ay taageereyaasheedu ka dalbanayaan qoyska reer Glazer in ay iibiyaan kooxda.

Shirkadda Maraykanka ay ee iska leh Liverpool ee Fenway Sports Group ee uu leeyahay John W Henry ayaa usbuucan shaacisay in Liverpool la iibinayo kaddib 12 sannadood oo ay mulkiyaddeeda lahayd, waxaanay taasi keentay in warbaahintu la xidhiidhiso maalqabeenno uu ka mid yahay Sir Jim Ratcliffe oo ah ninka ugu taajirsan guud ahaan waddanka UK.

Sir Jim Ratcliffe oo ah mulkiilaha kooxda Nice ee waddanka Faransiiska ayaa hore loo sheegay inuu doonayo inuu iibsado kooxo horyaalka Premier League, waxaana maarkii uu warka Liverpool soo baxay saxaafadda la hadlay afhayeenka Sir Jim Ratcliffe oo caddeeyey in aanu maalqabeenkani iibsanayn Liverpool.

Afhayeenka oo la hadlay wargeyska The Telegraph ayaa xaqiijiyey, in waqtigan aanay doonayn in ay wax maalgelin ah ku sameeyaan kooxaha waaweyn ee horyaalka Premier League, damacooduna yahay inay sare u qaadaan Nice oo ay gaadhsiiyaan heer  ay la tartanto PSG.

Sir Jim Ratcliffe oo sidoo kale lala xidhiidhinayay Manchester United oo ay taageereyaasheedu culays badan ku hayaan qoyska reer Glazer ayaa waxa uu warka uu soo saaray afhayeenkiisu uu meesha ka saarayaa inuu noqonayo mulkiilaha labadan kooxood ee ugu taariikhda weyn Ingiriiska.

 

Leave a Reply