Xogta Buug laga Qoray Kacdoonkii ka Dhashay Xadhiggii Dhallinyaradii UFO

0
386

Hargeysa(Dawan)-Ebba Tellander oo ah Haweenay u dhalatay wadanka Sweden ayaa cilmi-baadhis ballaadhan ku samaysay ururkii UFFO iyo dhagax-tuurkii ardayda eek a  dhacay 20 February 1982 Hargeysa, sababihii keenay xadhigii xubnihii ururkaas iyo kacdoonkii ardayda.

Cilmi baadhista ayey ku diyaarisay buuggeeda Jaamacadda heerka PhD, iyaddoo si guul leh u difaacday shahaadadeeda PhD ee ay ku qaadatay mowduucan taariikhda badan xambaarsan.

Waxay qoraalkeeda cinwaan uga dhigtay “The Wind That Blows Before the Rain” DABAYSHA ROOBKA KA HOR”

Qoraalkan ama thesis kan ay ku difaacaysay shahaadadeeda PhD waxay si mug leh ugaga hadashay oo ay ka qortay ururkii aqoonyahanka ee UFO xadhigoodii la xidhay Iyo kacdoonkii ardayda ee ka dhacay Magaalada Hargeysa 20 February 1982, kuwaasoo xadhigoodu sababay, kacdoonkaa ardayda ee dhagaxtuur oo runtii noqday bilowgii halganka Bulshada Somaliland ee dhalay dib ula soo noqoshadii xornimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ebba Tellander Waxay qoraalkeeda ku bilowday “Dabaysha roobka ka hor oo ay uga jeeday ururukaa UFO iyo kacdoonkii ardaydii dugsiyada sare iyo dadka deegaanka ee lagaga soo horjeeday xadhiga iyo dilka dadkaa waxgaradka ururka UFO ee ku bahoobay ama isu xilqaamay in ay helaan dhaqaale lagu dhiso dhakhtarka Hargeysa oo dayac badan iyo nadaafad daro baahsani hadhaysay wakhtigaa. Waxaa ururkaa UFO ee u bahoobay tabaruca lagu eedeeyey ama lagu xidhay inay xidhiidh la leeyihiin ururkii xornimo doonka ee Somali National Movement ama SNM. Taasoo ahayd been cad oon cadayn loo hayn, balse qayb ka ahayd cabUdhintii iyo cagajuglayntii lagu hayay wixii markaa loolLa baxay gobolada waqooyi balse la odhan jiray British SOMALILAND ee xornimadooda qaatay  26 June 1960, markii danbana si bilaa shuruud ah ula midoobay dalkii ay walaalaha moodeen ee la odhan jiray Italian Somalia” ayey ku tidhi qoraalka Buuggeeda qayb kamida.

Axmedyaasin Maxamed Jaamac oo kamid ahaa Dhalinyaradii qaybta ka ahayd dhaqdhaqaaqii xilligaas jiray oo ay kulmeen Ebba Tellander, isla markaana ay la wadaagtay xogta Buuggeeda ayaa Dawan u sheegay “Waa taariikhdii SOMALILAND oo si waadaxa oo cilmiyaysan ay ugu fara yaraysatay ka dib markii ay baadhitaano badan samaysay, iyadoo waraysatay dhamaan ururkii UFFO inta joogta.

Maalinta dhagaxtuur waa maalin weyn oo qarankan jiritaankiisii bilow ka ahayd, waxaa imika loo aqoonsaday in ay tahay maalin qaran oo u gaara dhalinyarada Somaliland, siiba intii aan ka midka ahayn ee kacdoonka dhagaxtuur bilowday”ayuu yidhi.

Axmedyasiin ayaa intaasi ku daray “Buuggaas oo dhawaan la filayo inuu soo baxo ha loo diyaar garoobo in la iibsado, weliba dhalintu ama intii dhalatay wakhtiyadaasi ha akhristaan taariikhdaa uu qoray qof ajanabi ah oo u huray wakhti badan si uu u helo warar kale  oo xaqiiq ku salaysan”

Maalinta Dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland ee bisha February, ayaa sanad walba lagu xasuustaa kacdoonkii Ardayda iyo Xadhigii Dhalinyarada UFO.

 

 

Leave a Reply