Dawlada Hoose ee Burco oo Dhagax Dhigtay Shan Waddo oo Casri ah

0
176

Burco(Dawan):-Dawladda Hoose ee Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa Shalay dhagax dhigtay shan waddo oo laga hirgalin doono xaafadaha magaalada qaar ka mid ah.

Maayar ku Xigeenka Magaalada Burco Mukhtaar Cabdi oo hadal ka jeediyay dhagax dhiga shanta waddo  ayaa  sheegay in  laga dhisayo Cashuurtii dadka laga qaaday,waaxanu usoo jeediyay shacabka in ay ka qayb qaataan horumarka.Waxaanu yidhi”Waxa Waddada lagu samaynayaa waa cashuurta Muwaadiniinta laga soo  qaado,markaa waa in si hufan loo soo bixiyo cashuurta. dadka reer Burco waa in ay ka qayb qaataan horumarka degmada Burco ka socda,”.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee  Burco  Cismaan Maxamed  Sheekh Cismaan oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa  tilmaamay in Waddooyinka  ay dhagaxdhigeen yihiin casri.Waxaanu yidhi”Waxa aynu dhagax dhigaynaa shan waddo oo casriya waxa  aanu leenahay dadka reer Burco is garabtaagiinu waa daruuri,”.

Sidoo kale shacabka  Xaafadaha Magaalada Burco ee  laga hirgalinayo  waddooyinkan ayaa soo dhaweeyay  ugana mahadnaqay Dawladda Hoose ee Burco  dhagaxdhigan.

 

 

 

 

 

Leave a Reply