Dugsiga Boodhinka ah ee GEB oo Dhismeyaal cusub lagu kordhiyey

0
184

Boorama(Dawan)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Dr Cabdixakiin Siciid Bustaale ayaa Xadhiga ka jaray Dhisme cusub oo lagu kordhiyay Dugsiga Hoyga ah ee GEB oo ka tirsan Gobolka Awdal munaasibad lagu qabtay xarunta dugsigaasi.

 

Dhismaha cusub ayaa ka kooban Fasallo iyo Hoy ay Seexdaan Hablaha wax ka Barta Dugsigaasi, waxaana iska kaashaday maal-gelintiisa iyo dhismihiisaba wasaarada waxbarashada iyo sayniska, Hay’adda Khayriga ah ee Zamsam Foundation iyo Baanka hormarinta Islaamka.

 

Wasiirka iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’addaha mashruucan qaybta ka ahaa oo xaflada hadallo ka jeediyey ayaa sheegay in dhismeyaashan lagu kordhiyey wax weyn ka tari doonaan baahiyaha dugsiga.

 

Wasiir Cabdixakiin Siciid Bustaale, ayaa tilmaamay in siyaasadda xukuumadda ay laf-dhabar u tahay horumarinta Waxbarashada qaybaheeda kala duwan, isla markaana iyagoo taas fulinaya ay wasaarad ahaan dedaal ugu jiraan sidii adeegyada waxbarasho loo gaadhsiin lahaa meel kasta oo ay dad ku nool yihiin, si ubadka yaryari u helaan xuquuq tacliin barasho.

 

Waxa kale oo uu wasiir ku-xigeenku bogaadiyey kordhinta lagu sameeyey dhismeyaasha dugsigan boodhinka ah oo kamida kuwa ugu balaadhan dalka

 

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa Fureyaasha Dhismahan cusub kala wareegay Hadayda Khayriga ah ee zamsam Foundation, waxaanu isna ku Wareejiyay Maamulka Dugsigaasi.

 

 

 

Leave a Reply