Taliyaha Ciidanka Dab-demiska oo Qaabilay Madaxda Ha’yadda Eucap

0
148

Taliyaha ciidanka Dad-damiska Sarreeye Guuto Axmed Maxamed Xasan(Sawaaxili) ayaa shalay kulan la qaatay Madaxda ha’yadda Eucap, kulankaas oo ka qabsoomay taliska guud ee ciidanka Dab-demiska ee magaalada Hargeysa.

Jose Maria kusimaha xafiiska EUCAP ee Hargeysa

Marco Witt lataliye ciidamada Ilaalada Xeebaha

Lars ekfeldt oo kasocoday wadanka Sweden.

Mahad Ahmed Xiidhidhiyaha EUCAP iyo Somaliland

Kulankaas ayaa lagu lafaguray waxyaabaha labada dhinac hore u qorsheeyeen ee ku saabsan horumarinta ciidamada Dab-demiska Qaranka Somaliland sida qalabada, tababarada iyo horumarinta kale.

Ugu dambayn kulankan ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad, waxaanuu masuuliyiintaasi soo mareen qaybaha kala duwan ee taliska.

Muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab fadlan soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 guud ahaan gobolada Somaliland.

 

Leave a Reply