Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xaaladda Xannuunka Xummada Darteed Cafis u Fidiyey ku Dhawaad Lix boqol oo Maxbuus

0
211

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa,ayaa maxaabiista xukunna fudud cafis Madaxweyne u fidiyay si loo kala fudaydiyo maxaabiista ku jirta jeelasha dalka si aanay maxaabiista saamayn ugu yeelan xannuunka Xumadda  ee ay dhalisay Kaneecadu oo dalka ka jirta.

 

wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-953/112022, waxa uu Cafis ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, iyadoo laga duulayo faya-dhawrka caafimaad ee Xabsiyada ay Maxaabiistu ku jirto , si aanay u saamayn xumadda darran ee Waddanka ka jirtaa.

 

Madaxweynaha ayaa cafis u fidiyey ku dhawaad lix boqol oo Maxbuus oo ku kala jira xabsiyada kala duwan ee dalka,una xidhnaa dambiyo heerkoodu fudud yahay oo saamaxaad heli kara, iyadoo sida lagu caddeeyey qaraarka madaxweynaha aanu Cafiskani saamayn ku yeellanayn xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeedka ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen dadka la cafiyey.

Wareegtada Madaxweynaha oo soo baxday Khamiistii, nuqul kamid ahina soo gaadhay Wargeyska Dawan ayaa u dhignayd sidan

 

“Wareegto Madaxweyne

Cafis Madaxweyne

Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/347/2022, kuna taariikhaysan 07/11/2022, ujeeddadiisuna tahay Soo- gudbin Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022- ka;

Markaan Tix-geliyay: Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka taariikhaysan 08/11/2022 u jeeddadiisuna tahay soo- jeedin cafis guud;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha ay Khusayso;

Waxaan Go’aamiyay;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 594 (Shan Boqol iyo Afar iyo Sagaashan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan”ayuu ku yidhi Madaxweynuhu wareegtada.

 

Cafiska Maxaabiista ku jira xabsiyada ayaa kamida awooddaha Madaxweynaha ee Dastuuriga ah, waana musaamaxo uu sanad walba fidiyo xilliyada munaasibadaha qaran iyo kuwa Islaamka, sida Ciidaha iyo xuska maalinta Qaranimada, waxaanu awood u leeyahay in uu soo saaro mar kasta oo ay duruufo sababaa yimaadaan, sida tan iminka oo ka dhalatay taxadirka xaaladda caafimaad ee xumadda darran ee waddanka ka jirta.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply