Xukuumadda Somaliland oo jawaab ka bixisay go’aamo ka soo baxay Asxaabta Mucaaridka

0
248

“caawa waxa cadaadatay in labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID aanay mucaarid ku ahayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xisbigiisa ee waxay  mucaarid ku yihiin Qaranka Somaliland oo ay yidhaahdeen dawladnimo kama jirto, taasoo ay ku dafireen haykalkii dawladdeed ee dalka”

“Waxa kale oo iminka jira caawadanba  saacadihii ay hadleen wixii ka dambeeyey in la abaabulayo Kacdoon dadweyne oo laga abaabulayo taageerayaasha labada Xisbi, kuwaasoo ay Bilaysku meelaha qaarkood ku horjoogsadeen. Sidaas awgeed Shacbiga Somaliland waxaan u sheegayaa colaad in innagu filan waynu soo marnay, qasaska gobolada hareereheena ka socdana waynu arkaynaa, markaa nabad-gelyada dadkeena dhibani idinka ayey idinku jirtaa. Meel ay dawladnimo jirto ayey dawladnimo ka jirtaa, nololi ka jirtaa, ganacsi ka jiraa, siyaasaddana waa lagu tartamayaa oo maalinba ninbaa helaya”sidaasi waxa yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo goor dhaweyd shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa.

Wasiir Kaahin ayaa xisbiyada mucaaridka ku eeddeeyey inay dafirsan yihiin qaranimada dalka, waxaanu baaq u diray bulshada Somaliland oo uu kula taliyey in aanay dheg u dhigin dhiilada iyo xaalada ay abuurayaan xisbiyada Mucaaridku.

Halkan ka Daawo muuqaal:

Leave a Reply