Xulka Senegal ee Koobka Adduunka oo lagu Dhawaaqay iyo Xaalka Sadio Mane

0
180

Xulka qaranka Senegal ee Koobka Adduunka ayaa lasoo saaray, waxaana ku jira xiddiga dhaawaca ah ee Sadio Mane oo fursadda uu taam ugu noqonayo Koobka Adduunku ay aad u yar tahay. Sadio Mane oo dhaawac uu kasoo gaadhay ciyaartii Salaasadii ay kooxdiisu 6-1 ku karbaashtay Werder Bremen ayaa hore loo sheegay in aanu taam u noqonayn koobka adduunka.

Tababaraha xulka qaranka Senegal ee Aliou Cisse ayaa saxaafadda au sheegay in ay dhakhaatiirtu wali qiimaynayaan xaaladda Sadio Mane, warka wanaagsanna  uu yahay in aanu u baahnayn in uu galo qalliin taas oo ka dhigan in uu kusoo laaban doono laba  ama saddex toddobaad.

Senegal ayaa waxay ciyaarta koowaad la ballansan tahay Netherlands oo ay wada ciyaari doonaan maarka ay taariikhdu tahay November 21, waxaana hubaal ah in aanu Mane taam u noqon doonin ciyaartaas oo uu ka maqnaanayo.

Sannadkii 2002 oo ay Senegal ka yaabsatay dunida markii ay garaacday Faransiiska oo difaacanayay Koobka, isla markaana soo gaadhay wareegga siddeedda ayaa waxakale oo ay u yeedhatay Kalidou Koulibaly oo ah kabatankooda, Edouard Mendy, Idirssa Ghana Gueye, Cheickhou Kouyate iyo Nampalays Mendy.

Xulka qaranka Senegal ee koobka adduunka oo dhamaystiran

Goolhayeyaal: Seny Dieng (Queens Park Rangers), Alfred Gomis (Rennes), Edouard Mendy (Chelsea).

Difaacyahanno: Fode Ballo-Toure (AC Milan), Pape Abdou Cisse (Olympiakos), Abdou Diallo (RB Leipzig), Ismail Jakobs (Monaco), Kalidou Koulibaly (Chelsea), Formose Mendy (Amiens), Youssouf Sabaly (Real Betis).

Khadka Dhexe: Pathe Ciss (Rayo Vallecano), Krepin Diatta (Monaco), Idrissa Gana Gueye (Everton), Pape Gueye (Marseille), Cheikhou Kouyate (Nottingham Forest), Mamadou Loum Ndiaye (Reading), Nampalys Mendy (Leicester City), Moustapha Name (Pafos), Pape Matar Sarr (Tottenham Hotspur).

Weerarka: Boulaye Dia (Salernitana), Famara Diedhiou (Alanyaspor), Bamba Dieng (Marseille), Nicolas Jackson (Villarreal), Sadio Mane (Bayern Munich), Iliman Ndiaye (Sheffield United), Ismaila Sarr (Watford).

Leave a Reply