Arteta oo Farta ku Fiiqay Dhibta ugu Weyn ee Kooxdiisa Arsenal Haysata Xilli Ciyaareedkan

0
189

Tababare Mikel Arteta ayaa tilmaamay dhibaatada weyn ee kooxdiisa Arsenal haysata xilli ciyaareedkan isla markaana saamayn karta qaabka wanaagsan ee ay ku bilawdeen 2022-23.

Arsenal ayaa habeen hore ka hadhay Carabao Cup kaddib guuldarro 3-1 ah oo kasoo gaadhay kooxda Brighton oo marti ugu ahayd Emirates Stadium.

Arteta ayaa kulanka kaddib dhibaatada uu ka cawday ay tahay yaraanta safka kooxdiisa oo uu ku sheegay mid kooban isla markaana ay suuqa January qiimayn samayn doonaan.

“Waxaan lahaa ilaa maalintii ugu horraysay in aanu haysano saf yar sababtoo ah ugu dambayntii waxaanu ka tagaynay ciyaartoyda qaar (La nasiyay). Haddii uu qofkasta diyaar yahay oo aysan cidna dhaawacnayn kaddib waa OK balse isla marka dhaawac yimaado waanu ognahay waxay tahay”.

“Maaha wax cusub, waxaan lahaa ilaa maalintii koowaad ee kaddib suuqii xagaaga, Marka suuq (January) furmo waa inaanu ka wada hadalno fursadaha aanu haysano”.

Arsenal ayaa la xasuustaa inay xilli ciyaareedkii hore dhammaadkiisii u jabtay dhaawacyo gaadhay Kieran Tierney iyo Thomas Partey oo ay bedeli kari waayeen Sambi Lokonga iyo Tavares.

Leave a Reply