Cody Gakpo Oo Magacaabay Shan Kooxood oo Midkood uu u Wareegi Doono Xagaaga

0
184

Weeraryahanka kooxda PSV Eindhoven ee Cody Gakpo ayaa magacaabay shan kooxood oo waaweyn oo uu doonayo inuu midkood  u wareego marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, waxaanu ku adkaystay inuu doonayo inuu hal tallaabo hore u qaado oo uu ku biiro naadiyada waaweyn.

Cody Gakpo oo xilli ciyaareedkan socda dhaliyey 13 gool iyo 17 kale oo uu caawiyey ayaa waxa raadinaya naadiyo badan oo reer Yurub ah oo ay ugu horreyso Manchester United oo xagaagii isku dayaday inay keento Old Trafford balse ay PSV albaabada ka xidhatay.

23 jirkan oo ka mid ah xulka qaranka Netherland ee Koobka Adduunka ayaa waxa uu isku darsaday gool-dhalin, caawin iyo inuu yahay kubbad-sameeye dadaal badan oo kooxda si guud ula shaqeeya, waxaanay taasi keentay inay kooxo badan ku dagaallamayaan heshiiskiisa, iyadoo lala xidhiidhinayo Manchester United oo hore iskugu dayday inay la saxeexato xagaagii tegay, Real Madrid, Manchester City, Liverpool iyo Barcelona.

Cody Gakpo oo la hadlay warbaahinta NOS ee dalkiisa Netherlands ayaa doortay kooxaha uu doonayo inuu midkood u ciyaaro oo shan ah, waxaanu kusoo daray Manchester United oo marnaba aanu hore u qarsanin xiisaha uu u hayo, balse ay muuqto inay tartan adag kala kulmi doonaan kooxaha waaweyn ee Yurub marka uu furmo suuqa iibku.

Gokpo ayaa yidhi: “Waxay ila tahay in dhamaadka xilli ciyaareedka aan diyaar u noqonayo inaan qaado tallaabo. Waxa aan dareemayaa in aan mar horeba sii bilaabay xilli ciyaareedkan, laakiin xilli ciyaareedkan kaddib waxa aan xataa si aad ah diyaar ugu noqon doonaa tallaabada xigta, waanan qaadi doonaa.

“PSV ayaa mar walba ahayd kooxda aan ku riyoonayo, mana lahayn riyo kale, laakiin in aan u ciyaaro Real Madrid, Barcelona, Manchester United, Manchester City iyo Liverpool waxay ii noqon lahayd sharaf.”

Leave a Reply