Shaxda Ilaa Haatan ugu Fiican Xilli Ciyaareedka Premier League oo lasoo Saaray

0
226

Waxa todobaadkan la joojin doonaa horyaalka premier League sabab la xidhiidha koobka adduunka oo lagu ciyaari doono dalka Qatar.

Ilaa haatan xilli ciyaareedka premier League ayaa lagu arkay lama filaano waaweyn iyada oo ay kooxo waaweyn si weyn u dhibaatoonayaan.

Sidoo kale xiddigi magac leh ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay xilli ay xiddigo kale lama filaan ku noqdeen premier League.

Xilli ay taageerayaasha Premier League u jeedsan doonaan koobka adduunka waxa la soo saaray shaxda laga sameeyay xiddigaha ugu fiican ilaa haatan xilli ciyaareedka premier League.

Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay soo qaatay.

Kooxaha Arsenal iyo Newcastle ayaa shaxda ku leh min 2 xiddig kadib wacdaro ay ka dhigeen ilaa haatan horyaalka premier League.

Kooxaha Man United, Brigton, Fulham iyo Tottenham ayaa shaxda dhinacooda ku leh min hal xiddig.

 

Leave a Reply